WAJAALE NEWS

Imtixaanka Macalimiinta waa waajib, Waana in sannad kasta ama labadiisano mar laga qaadaa

Wasiir ka iyo agaadimaha arinkan bilaabay waa asiibeen arintaa waayo arin cusub maaha waa arin wadankastaa sameeyo.

IMTIXAANKA MACALIMIINTA waa WAAJIB weliba ka primary schools waa WAAJIB ka ugu muhiimsan waayo hab wax dhigida caruurtu wuu ka duwan yahay hab- wadhigidda jaamacadaha oo caruur iyo dad Waaweyn si wax loogu a wada dhigo. Waxaa la kala yidhaa PEDAGOGY IYO ANDRAGOGY.

Macalimiinta primary schools waa in maclim kastaa subject ga uu Wasaaradda lacagta kaga qaato uu IMTIXAANKA ma diidi kartaan waayo macalimiinta in Imtixaan ku sharaf buu u yahay ee ceeb uma aha, grades ka ay kala helaanna musharkoodu wuu kala duwanaanayaa waxay is dheeraadaanba. Qof aan maclim ahayn oo aan garanayn level ka u hooseeya illaa GCSE AMA ‘O’ Level subject kiisa waa inuu takhasus ku yahay oo shahaadadihiisii Jaamacadu yaaliin dugsiga.

Haddii la la helo dad aan macalimiinta ahayn oo lagu soo gufeeyey wasaaradda waxaa taa loo qabsanayaa Maamulaha dugsiga. Wasiir ka iyo agaadimaha arinkan bilaabay waa asiibeen arintaa waayo arin cusub maaha waa arin wadankastaa sameeyo oo Somali Republic dii inaga Burburtay waa la samayn jiray. Habkii loo samayn jiray iyo Imtixaan ada Habkii loo qaadi jiray iyo imtixaanada macalimiinta primary ga waa la soo helayaa. Kuma doodi kartaan shaqaalaha Wasaaradda iyo wasiir ka iyo agaadimaha iyo madaxweynaha Imtixaan ha laga qaado, sideedaba Imtixaan waqti iyo level iyo guidance buu leeyahay waxa soo jeedin kartaan in arinkan SANNAD ka hor la idiin sheego oo trainings la idin siiyo si ayaan isaga qayilaad tegine aad learning and teaching system ka adduunka ka jira ugu siqdaan qof walba subject kiisa adduunka daafihiisa kaga shaqaysan karo laakiin maaha inaad ku dacwidaan waxba nalooma dhigine maxaa naloo imtixaaamayaa.

Ereyadaasi waxay hoosta ka xariiqayaan inay jiraan dad aan macalimiin ahayn oo lagu soo caameeyey dugsiyada. Qiso dhaba oo aan kala kulmay Dugsi Hargeysa ah oo Primary ah 2016kii Mar aan qurbaha fasax kaga imi ayaan idiin sheegayaa. Anigu dugsiyada Hargeysa ayaan ku jirin jiray 1970s kii waxaa dhacay 2016kii I an yar baan ku darayey primary gii aan ku jirin jiray 1973gii ee xaafaddayada. Berigaa office ka school wuxuu ahaa sida kuwa London u qalabaysanyihiin oo kale sciences material, geography wax kastaa way oolli jireen. Iskuulkii baan yarkii geeyey oo classes ka gelinka dembe ah. Abbaara labadii baan office imi waxaan u Soo galay qol madhan oo miis qori ahi dhexyaal dushana nin ku hurdo isagoo dabada u Soo jeediyey, waan isku khajilay oo albaabkii baan ka sanqadhiyey isagana waxaan moodaayey waashmaankii laakiin wuxuu noqday head Teacherkii, calooshaa I wareegtay. Waxaan ku idhi ilamahan baan doona yaa inaan qoro, markiiba wuu I akhriyey oo halkuu 20 kun oo Somaliland shillin ayuu 20 dollar igaga dhigay anigoo u Soo diyaar gareeyey lacagtii baa waxaa daf noo soo yidhi ASKARI qaylinaya oo Diinta caayaya oo gaadh yar gacanta HAYA oo qorina sita, labayadii ba cay buu dabada noo qabtay oo Anna wuxuu II haystaa maamulihii. Muddo 10 daqiiqo ah buu kadinka naga taagnaa iskuulka la dagaalamayey oo lahaa yaa inantayda soo eryey. Lacag 20kun oo land ah buu soo tuuray. Waqtigaa yar waxaan dareemayey inaan ahaa qof Falsdiiniya oo askari yuhuudi ahi qabsaday. Markaa halkaa maclim wax baray iiga a muuqan. In macalimiinta sannadkasta Imtixaan laga qaadaa waa waajib haddii kale waa inay meelaha kale u shaqayn tagaan ninkan wuxuu dhigayo Imtixaan ku gelaynaw.

 

MBashe (Meerkat)

qoranebashe@gmail.com

 

 

Exit mobile version