|
|||||
WAJAALE NEWS
Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo dib u bilaabmaya
June 27, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xidhiidha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Ra’iisal wasaare ku-xigenka ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka. Waxaa uu intaa ku daray in la dhageysanayo tabashooyinka Somaliland, isaga oo sidoo kale Maamulada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq, si hore loogu sii socdo. Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hore u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax midho dhal ah. Related posts:Xildhibaan Faratoon Oo Shaaciyay In Uu Utartamayo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo Rajada Uu Qabo! Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Warbixin Uu U Gudbiyay Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Xiisadii S... Daawo: Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta Soma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|