|
|||||
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaaraha dalka itoobiya oo is Casilaad Ku Hanjabay
June 14, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (W,N)- Hogaamiyaha mucaaradka ee Itoobiya Andargachew Tsege ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayey, ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha dalku ku hanjabay inuu is casilayo. Mr Tsege, oo wax ka aasaasay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Ginbot 7, ayaa muddo 4 sano ah ku qaatay xabsiga gudihiisa, ka dib markii lagu eedeeyey inuu maleegayey afgambi ka dhan ah xukuumadda Itoobiya. Waxaa lagu xukumay dil 2009. Wixii ka dambeeyey markii la cafiyey bishii May ee sannadkan, ayuu Mr Tsege kulan 90 daqiiqo ah la qaatay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isagu soo bandhigay tiro isbeddello ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii April. Mr Tsege oo haysta baasaboorka Britain ayaa wixii markaa ka dambeeyey dib ula midoobay qoyskiisa oo ku nool London.
Related posts:DAAWO;Wasiirka Arimaha Dibada Oo Ka Hadlay Kulamo Ay La Yeesheen Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Oo X... DAAWO;-Shirkada Somtel Oo Daahfurtay Barnaamij Ay Macaamiisheedu Ku Guulaysan Doonaan 5000 Oo Abaalm... Telefishanka Caalami Ah Oo Soo Saaray Liiska 11-kii Xasuuq Ee Ugu Xumaa Ee Afrika Ka Dhacay, Kuna So... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|