|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in La Joojiyo Colaada Deegaanka Tukaraq
June 8, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)- Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland iyo Puntland in ay joojiyaan colaadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Waxaa kaloo ay Qaramada Midoobay ku boorisay Somaliland iyo Puntland in ay ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan, iyo in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani’aadannimo. Labada maamul ayaa loogu baaqay in ay meel mariyaan, isla-markaana ay ka dhabeeyaan ballanqaadkii ay u sameeyeen beesha caalamka, ee ahaa inay dagaalka joojinayaan. Baaqan ayaa imanaya xilli Somaliland iyo Puntland ay Gobolka Sool ka wadaan abaabul uu midba u muuqda kuwo sii hurinaya colaada. Related posts:DAAWO Dr Cali Khaliif Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ujeediyay Ardayda Waxka Barata Jaamacada... Golaha Wakiillada Oo Wacad Ku Maray Inay Dib U Eegis Iyo Wax Ka Baddel Ay Ku Samaynayaan Xeerka Axsa... Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Maanta Ka Qayb Galay Munaasibad Balaadhan Oo Shahaadooyin... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|