|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo Ka hadlay Colaada deegaanka Tukaraq, Soona bandhigay habka Loo Xalin Karo
June 21, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (WJN)- Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada Guud ee Deegaanka Tukaraq oo ay wali isku hor fadhiyaan Ciidamo kala taabsan Somaliland iyo Soomaaliya. Xasan Sheekh Bartiisa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, ayuu ku soo saaray 5 Qodob oo sida uu sheegay lagu damin karo Colaada Tukaraq oo barakicisay Boqolaal kamid ah Qoysaskii deganaa deegaankaas.
Qoraalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qornaa Sidan: Iyadoo Soomaalidu ay duruufo gaar la tacaaleyso billowga qarniga 21aad, ayaa haddane degaannadu xaalkoodu kala duwan yahay. Duruufaha dadka Soomaalida ay la tacaalayaan waxaa ka mid ah Abaaro, fatahaad iyo colaado, hase yeeshe gundhigga dhibaatooyinka oo dhan waxay ka soo butaacayaan hal il oo ah dowlad xooggan oo ralli laga wada yahay lana wada aqbalsan yahay oo meesha ka maqan. Si kastaba ha ahaate, dhibaatooyinkaas aan kore ku so xusay iyo kuwa kaleba waxay CAQABAD ku yihiin badbaadada shacabka ay daashadeen colaaduhu kuwa hore iyo kuwa dambaba haddaba hoggaamiyayaasha maanta ee heer kasta leh ha qaateen hana tixgeliyeen mabda’a ah “HA UGA DARIN HADDII AADAN DAWYN KARIN”
Qormadaan kooban waxaan rabaa inaan uga hadlo arrinta XANUUNKA badan ee ka socota tuulada yar ee TUKARRAQ.
In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qudha. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:-
Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban: “WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.
Related posts:Burco :Shaqaalihii shirkada shidaal baadhista ee Gannel Energy oo mar kaliya maanta si lama filaana ... DAAWO;-Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Magaalada Boorama Loogu Sameeyay Mar... Madaxwayne Kuxigeenka jsl Oo Xilkii Ukala Wareejiyay Wasiirka Madaxtooyada Iyo Agaasimihii Hore Ee M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|