|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Farmaajo oo Sheegay in dowladiisu diyaar u Tahay qancinta Shacabka Somaliland
June 26, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagu qancinayo shacabka Somalialnd. Madaxweyne Farmaajo oo boggiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa waxa uu xusay in dowladda uu hogaamiyo ay diyaar u tahay in la lafaguro oo miiska wadahadalka lasoo dhigo waxkasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland. Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Somaliland uu munaasbaddii 26-ka Juun xalay ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeeyso tallaabooyin cadaawad muujinaya, isagoo sheegay in xukuumadda Farmaajo cunaqabateyn kusoo rogtay deeqihii ay beesha Caalamka ka heli Jirtay Somaliland.
Related posts:Daawo:Engineer Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Kana Hadlay Aragtidiisa Saldhiga Mil... Daawo:Xisbiga Wadani Oo Shilkii Diyaaradu Ku Duqaysay Doontii ay Saarnaayeen Dhalinyarada Reer Somal... Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Warbixin Ka Siiyey Golaha Guurtida Xaalada Xoolaha Nool Ee Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|