Dawlada itoobiya waxay heshiisyo badan la gashay dhawaan dalalka Djabouti, Kenya, Sudan, Somaliya iyo Somaliland. Waxaana ay saamiyo ka iibsatay Dekedaha Jabouti, Somaliland iyo South Sudaan. waxa ay iyana saldhig milatari laga siiyey Xeebta Lamu ee dalka Kenya. Qorshaha cusub ee Raysalwasaaraha cusubi badka soo dhigay waxaa ka mid ah:
1- In adeega ganacsiga ” import and export ” ay itoobiya 90% isticmaalaan Dekeda Jibuuti ee Daaroole waxaana u fuddeynaaya jidka Tareenka ee isku xidha Daroole ilaa Arddis Abbaba Jidkaa oo dhererkiisu yahay 759 km.
2- In 5 % ay isticmaalaan Dekeda Port Sudaan marka wadooyinka la hagaajiyo
3- In 5 % oo keliya ay isticmaalaan Dekeda Berbera maadaama aanay wado jirin.
4- In la Xoojiyo dhismaha Ciidanka bada ee itoobiya oo saldhig looga dhigo agagaarka Dekeda Berbera maadaama Itoobiya ay saami 19% ay ku leedahay Dekeda Berbera marinka Dekeda Berberina uu yahay marinka uu soo maro ganacasiga itoobiya badan kiisu. Marinka Berbera ayaa ugu haboon uguna mashquulsan gacanka cadmeen maadaama uu albaabka Canal suez u jiro qiyaas ahaan 260 miles.
ilaa 100-kii sanadood ee la soo dhaafay Siyaasadda arimaha debedda ee Itoobiya waxaa ugu horeysay in Itoobiya yeelato Marin-Badeed ay wax ku yeelato oo rasmi u ah, waxaana arintaa u fududeeyey Itoobiya dawlada imaaraatiga oo iyana doonaysay in ay wada xidhato dhamaan Dekedaha Geeska Africa, waxaa kale oo u fududeeyey Xukuumadihii kala danbeeyey ee Kulmiye. Waxaynu wada ognahay in Itoobiya tahay melateri ahaan quwada 3-aad ee Africa iyo quwada 43-aad ee Aduunka taa soo hadii damac ka galo in ay lawareegto Dekeda Berbera aan biyo u kabaneyn taas oo khatarteeda iska leh maadaama milateri ahaan aanay Somaliland iska caabiyi karin itoobiya.
Marinka Dekeda Berberi waa marinka ugu toosan uguna dheereeya ee isku xidha Qaarada Yurub iyo Asiya kaas oo ay maraan ugu yaraan 20% Ganacsiga Saliida aduunka marka loo eego xogta dhawaan laga helay qaramada midoobay.. damaca iyo dardarta Raysalwasaaraha cusub ee itoobiya ayaa Somaliland cagaha u sii geliyey holaca danaha sumeysan ee hirdanka xoogani ka dhaxeeyo waxaana laga yaabaa in Dekeda Berberi ay xudun unoqoto dagaalka siyaasadeed ee ka dhaxeeya wadamada khaliijka oo iyagu isu haya Shiica iyo Suni.
Somalida ayaa ku maah-maahda ” Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho ” Heshiiska Dekeda Berbera wuxuu ahaa heshiis lagu deg degay oo aan laga fiirsan kaas oo ay ka danbeeyeen dhowr shaqsi oo aamisanaa Nidaamka Raasamaaliga ama ” Capitalism” ku waas oo ku riyooday in ay Saami ku yeeshaan Dekeda Berbera.
Dekeda Berberi waxay fure u aheyd Siyaasada qaranka, Madaxbaanida dalka iyo dhaqaalaha wadanka taa soo markii DPW la wareegtay Siyaasadii,madaxbanaanidii iyo dhaqaalihii dalkaba uu laaxin badani galay.
Maah-Maah kale ayaa odhanaysa ” Falaadhi Gilgilasho kaagama godo ” Waxaa heshiisyadii ay dhawaan wada galeen itoobiya iyo Somaliya lagu sheegay in Dekeda Berberi ku jirto 4-ta Dekadood ee la maalgelin doono. Waxaana arintani ay xaqiiq ka dhigtay wareysigii 18/4/2018 uu Wasiira Dawlaha Arimaha Debeda ee imaaraatigu mr Anwar Mohamed Qarqaash uu si cadaan ah BBC-da qaybta carabiga ugu sheegay ” in Heshiiska Dekeda Berbera ee ay Somaliland la galeen ay Dawlad ahaan u saxeexeen dawlada Somaliya waxaana goob joogeyaal ka ahaa ayuu yidhi Maamul gobeleedyadii ay khuseysay oo uu Somaliland ula jeeday”
Gunaanad : Heshiiska DPW la gashay Somaliland wuxuu kow ka yahay Siyaasadda milateriyaysan ee ay wada galeen dawladaha itoobiya iyo imaaraatigu wuxuuna khatar ku yahay madaxbanaanida, Nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland. Heshiiskaas oo ay ka soo wareegtay waqtigii la kala saxeexday mudo 2 sano ah ilaa iyo maanta ummadda looma soo bandhigin ” Business Plan ” kii Heshiiskaas, waqtiga uu bilaabmaayo iyo waqtiga uu dhamaanaayo Mashruucaas.i
Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London