|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafka Wadamada Khaliijka Oo Laga Digay In Soomaaliya Uu Dhibaateeyo.
June 5, 2018 - Written by Editor:Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka qadhaadh ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya. Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay kala raacaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sababtoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalaasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Kolkii Sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xidhiidhka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Soomaaliya taas oo xidhiidh la leh labada dhinacba. Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka isagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah. Related posts:Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Cusub Oo Laga Dhisay Xaafada Ma... “Talo Xumada Muuse Waxaynu Maanta Kaga Dabaalaynaynaa, Inagoo Codkeena Ku Hubsana Xisbiga Waddani”M... Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Gobolada Bari Oo Wacad Ku Maray Hadii Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada L... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|