|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Oo Ka Hadlay Tirada Qoysaska Ku Barakacay Roobabkii Duufaanta Watay Ee Da,ay Xeebaha Somaliland.
June 2, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) Oo Shir Jaraa,id ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa ka Warbixiyay Halka ay marayso Gurmadkii lLoogu jiray sidii Wax loo gaadhsiin lahaa dadkii ay Waxyeeladu kasoo Gaadhay Roobabkii Duufaanta Watay ee ka Da,ay Xeebaha somaliland oo khasaare laxaadle Soo Gaadhsiiyay Dadka ku Dhaqan Gobolada Galbeedka Somaliland Ee Awdal, Gabiley, iyo Salal. Gudoomye Xinif ayaa ka Waramay Dadaaladii ay ugaleen samata bixinta dadkan, Wixii Uu indhihiisa kusoo arkay khasaaraha ay roobabku gaadhsiiyeen dadka,ku nool gobolka Awdal gaar ahaan Degnada Lughaya Iyo Gargaara oo uu sheegay In ay ahayd Meelihii ugu Dhimashada iyo ugu khasaaraha Badnaa. Sidoo kale Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga ayaa xusay In Roobab kani ay Baabiyeen Ceelashii Biyaha, Iskuuladaii iyo Dhismayaashii magaalada iyo kuwo miyiba, Isagoo gudoomiye xinif Shaaciyay in dadka ku dhintay roobabkani ay tiradoodu gaadhayso 50 ruux halka ay ku barakaceena 9000 oo qoys Dhanka kale Gudoomiyaha Xinif ayaa ka hadlay Dadaalo ay xukuumad Somaliland ugaleen sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyaro tahriibayaal reer somaliland ah oo ku tabaalaysan jeelashada dalka liibiya dhawaana dalka dib loogu soo celin doono. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Shacabka oo U Dheg Taagaya Muddo Kordhinta Golaha Guurtida Ee Wakiilada iyo Su’aalaha La Iska Weydii... Xisbiga kulmiye Oo Sheegay In Siyaasi Maxamuud Xaashi Ay Ka Saareen Xisbiga Iyo Arimaha Ay Ku Sobob... Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo Daah Furayna Barnaamijka “Maxbuus La... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|