|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaankii Ugu Horeeyay Iyo Xubno Aqoonyahan Ah Oo Ku Dhawaaqay Inay Diyaar U yihiin Difaaca Qaranka Somaliland, Una Sii Jeedaan Jiida Hore.
May 24, 2018 - Written by Editor:BERBERA(W,N)- Xildhibaan ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Berbera Ee gobolka Saaxil iyo Xubno Aqoonyahan ah ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay galayaan dagaalka islamarkaana ay diyaar u yihiin Difaaca Qaranka Jamuuriyada Somaliland Oo dagaalo daan daansi ah ay kusoo qaaday Maamulka Somaliya oo huwan Shaadhka Maamul Goboleedka Punthland, Xildhibaan Iid Saleebaan Cali Iyo xubnaha aqoonyahanka ah ayaa Bayaankan ku shaaciyay mar ay caawa khadka telefonka ugu Waramayeen Shabakada Warar Ee Wajaalenews, “Aniga o ah Xildhibaan Iid Saleebaan kana tirsan golaha Deegaanka Magaalada Berbera ayna Iweheliyaan Dhalinyaro Aqoonyahan ah Oo Udiyaar u ah difaaca Dalkoodu waxaan ku shaacinayaan in aanu diyaar unahay sidii aanu udifaaci lahayn Somaliland isla markaana Aanu tagayno jiida hore ee ciidamada qaranku ku sugan yihiin. Isagooo Xildhibaanu Hadalkiisa siiwana wuxu Intaa ku daray, “Waxkasta oo uu nagu tagayo Dagaalku diyaar Ayaanu Unahay, Wax Dhulka naga yaalaana Majirto hubna Aanu ku dagaal galaynana Waxaanu kasoo Qaadaynayaa Xaafadahayaga , Ayuu yidhi Sildhibaan Iid Saleebaan,
Dagaalada Udhaxeeyay Somaliland iyo Maamulka somaliya ayaa mudooyinkii Udanbeeyay noqday mid goor kasta lafilan karo in uu qarxo iyadoo tiraba laba jeer ay ciidamada Somaliland Weeraro kuusoo qaadeen wallow ay ciidanka qaranku iska difaaceen islamarkaana ay jabiyeen huwantii soo weerartay, Xildhibaanka katirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo xubnahan Aqoonyahanka ayaa noqonaya shakhsiyaadkii ugu horeeyay ee muujinaya sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca qarankooda halka ay tageero laxaadlena u noqonayso Ciidamada jiida hore ku Sugan Ee Somaliland . WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|