Warar Dheeraada; Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigey Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Puntland Iyo Maxaabiis+Gadiid Dagaal Oo Tiro Badan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada; Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigey Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Puntland Iyo Maxaabiis+Gadiid Dagaal Oo Tiro Badan!
May 24, 2018 - Written by Editor:

TUKARAQ (W,N)-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa  khasaare culus gaadhsiiyay ciidamadii somaliya ee duulaanka kusoo qaaday iyagoo ka qabsaday saraakiil iyo Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Maamulka Puntland General Muxiyadiin Axmed Muuse, oo ay gacanta lagu dhigay kadib markii ciidanka Puntland ee Weerrar kusoo qaaday saaka fadhiisinka hore ee deegaanka Tukaraq Ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

General-Muxiyadiin-Axmed-Muuse

Wararka dheeraadka ah ee kasoo baxaya dagaalkii saaka ayaa xaqiijiyay in ciidmada qaranka somalilad ay gacanta ku dhigeen   General Muxiyadiin Axmed Muuse oo hogaaminayay ciidanka maamulka somaliya punthland  sarkaalkan ayaa ah   kii ugu sareeyay ee lagu qabto  dagaalka, iyadoo ay xogahani intaa ku dareen in ciidamada Somaliland ka qabsadeen kuwii soo weeraray gadiid dagaal oo tiro badan iyo maxaabiis kor udhaafaysa 40 xabuus oo laga qabtay Ciidanka  somaliya ee maamul goboleedka Puntland.

Maxaabiista laga qabtay ayaa ubadan  Ciidamadda Badda ee Maamul goboleedka Puntland ee lagu magcaabo Saracen oo dawladda Imaaraadku maal geliyo Iyo kuwa loo yaqaan shahaado la dirirka.

sidoo kale wararka, ayaa sheegaya in fadhiisimadii ay kasoo duleen iyo saadkoodiiba gacanta lagu dhigay Isla markaana dhaawacyo tiro  baddan la gaadhsiiyay Cusbitaalka Garoowe, iyadoo uu jirto khasaare dhimasho aad ubadan,

Dhinaca Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa khasaare sahlan soo gaadhay, Isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac fudud , balse Khasaare sahlan ah  marka loo eego kuwa ciidamadii soo duulay la gaadhsiiyay ee somaliya  Puntland oo iyagu iska soo urursatay deegaano badan oo katirsan somaliya.

Dagaalkan ayaa ah kii labaad mudo gaaban ku dhexmaray Somaliland iyo kuwa huwanta ee somaliya deegaanka tukaraq ee gobolka sool kaasi oo labadii jeerba jabwayn ay gaadhay cidamadii somaliya ee soo duulay,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS