|
|||||
WAJAALE NEWS
SOMALILAND MA WAXBAA U DHIMAN MISE WAXBAA KA SI’AH?. W/Q: Liibaan Shaadiro Qaybtii 1aad
May 3, 2018 - Written by Reporter:Ugu horeen magaca Eebe, sareeye aan ku bilaawno Bismilaahi Raxmani Raxiim, qalinku isagaa ku haga kugu haga tobta tolmoon, waxaan manta qalinka u qaatay inaan ku ifiyo kuna soo bandhigo ula jeedka halku dhiga maqaalkaygan oo ah “ Somaliland ma waxbaa u dhiman mise waxbaa ka si’ah”. Maqaalkani oo noqon doona mid Taxane ah kuna eegayno Amuuraha Siyaasada, Dhaqaalaha, Dhaqanka bulshada iyo wax kasta oo hoos imanaya halku dhiga maqaalkeena. Somalidu waxay ku maah maahdaa Alif kaa qaloocsamay Albaqra ayuu ku dhibaa, hadaynu dhanka kale ka eegno somalidu waxay tidhaa Hal xaaran ahi Nirig Xalaal ah ma dhasho. Waxaan uga socdaa Somaliland dhismaheedu waxa uu ku soo dhismay nidaam hab qabaa’il ah oo markaasi loo arkayay xal inuu u noqon karo dhismaha qaran ee markaasi ay doonayeen dadkii wada dagana goboladda waqooyi, kuwaasi oo dhismihii dib u dhalashada qaranka Somaliland ee 1991 ay isugu yimaadeen dhaman dadkii degankaasi ka soo wada jeeday ee doonayay inay helaan qaran madaxbanaan oo iskii isku maamula, waxay bulshadii heshiiska wada gashay soo dirsadeen ergooyin matala beelahaas deegaan xigsiisanka ah ee danta dhaqan dhaqaale iyo deeganba wadaagayay. Nidamkaasi waxa uu dhalay kulankii labaad ee 1993 ka dhacay Borama kaasi oo isna maray wadadii kii hore lagu qabtay ee ahaa ergooyin ka kala socdaa deegaamadii reeraha Somaliland wada dagaa; degan yihiin, nidaamkii ka dhashayna uu muddo uu sii shaqaynayay, walaw markii danbe dhaman bulshada reer Somaliland isla qaateen in loo guuro nidamka habka xisbiyadda badan, halkaasi oo lagu aas aasay xisbiyo fara badan oo u tartama doorashooyinka Gole degaan, Gole sharci Dajin Iyo Gole Fulin nimeedba, taaso magaca ahaan dalka Somaliland uu noqday dal u guuray nidaamka hanaanka Dimuqraadiyad siyaasadeed ee aduunka intiisa badaniba ku hanaqaadeen ku dhaqan kiisa iyo hirgalintiisa. Hadaba su’aashu waxay tahay madama ooy Somaliland qaadatay ku dhaqanka iyo hirgalinta hanaanka Dimuqradiyad siyaasadeed Maxaa ka dhiman maxaase ka si’ah? Horuu xigmad yahan somaliyeed u yidhi Hashu Maankay Gadee ma Mansaar bay liqday, sida Somaliland u socotaa ma tahay sidii waafaqsanayd Haankaas aynu kor kusoo xusnay? Maxaa hortaagan dhaqan galinta hanaankaas inta badan dawladaha isticmalay ku hanaaqaadeen? Faduuli aan noqdee waxaa maskaxdayda kusoo dhacday tix ku jirtay maansadii Daba-Huwan Allah ha barakeeye Abwan macalin Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo odhanaysay mar uu ka hadalayay nidamka dawladnimo, waxanay ahayd sidan:- Qofkaad Shar u diidan tahay U doortay Si khayr ku Jiro Ayaa misna Kuugu Duda Waxaad uga daacad tahay Hadaba, anigoon hadalka badi-na hayn hadana aan kusoo kobo inyaroo kooban ka jawaabista iyo falan qaynta nuxurka hadal qoraalkayga ee u dhignaa Somaliland Ma waxbaa ka si’ah mise waxbaa u dhiman? Aniga aragtidayda gaaban hadii aan ku iftiimiyo wax na waa u dhimantahay waxna waa ka si’ oo labada erayba sifaheedii iyo astaanteedii waa leedahay. Somalidu hore waxay u tidhi OOdo dhacmeed siday u kala sareeyaan ayaa loo guraa ee aan ku horeeyo waxa u dhiman qaran kayga barakaysan ee Somaliland. Hadaba, sidaynu kor kusoo xusnay iyadoo kooban nidamka iyo hananaka dhismihii dawladnimo ee Somaliland iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo gabagabadii hanaankii wacnaa ee ay qaadatay waxaan leeyahay waxbadan ayaa u dhiman ku dhaqanka iyo hirgalinta hanaanka dimuqradiyada siyaasadeed ee aynu qaadanay:
Kolkaan arko hanaanka foosha xun eek u dhisan qabiilka iyo qabyaalada ee xisbiyadeenu hormoodka ka yihiin, haday xisbiyadeenu sidan sii ahaadana dib u socod mooyee hore usocod kaa maqan kana dheer. Waxanse xasuustay tix ku jirtay mansadii Hogaamiye ee Abwaanka da’da yare e Allah cilmiga iyo caqligaba ha u siyaadiyee Xasan Dahir Ismaciil (Weedhsame) tiriyay waxanu yidhi:- Himilada dad leeyahay duul baa usoo hadha Hawadoodu been iyo Damac iyo hunguri tahay Hilinkay kuseegaan Harawsiga is moosiis Dadna way haleeyaan Dad ma kala hambaystaha Danta uma hagoogtaha Maantada habaaskiyo Halasuhu ku yuu raro Iyagoo habeen qada Codka ii hibeeyiyo La dhax tagay hinaasuhu Ma hogaamiyuu noqon?
Haddaan gabay dan uga baxo La soco qaybaha danbe Guul iyo Gobanimo Waxa Qoray: Liban Abdi Hassan (Shaadiro). Barre sare oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka Tell: 063-4474429 Email: liibaan_genius@hotmail.com Hargeysa/ Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|