Magaladda Hargaysa Waxa Maanta Laga Xusay Maalinta Saxafadda Aduunka Oo Sanad Walba Dunidda Lagu Xuso. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaladda Hargaysa Waxa Maanta Laga Xusay Maalinta Saxafadda Aduunka Oo Sanad Walba Dunidda Lagu Xuso.
May 3, 2018 - Written by Wariye:

Xuuto-iyo-xanasHargeisa(WJN):- waxa magaladda hargeisa laga xusay maalinta saxafadda  aduunka oo ku beegnayd maanta oo ay taariikhdu tahay 03 05 2018

Waxa munaasibadasi ka soo qayb galay hay`adaha u dooda xuquuqda adamaha ururada bulshada iyo xubno ka mida qaybaha garsoorka iyo daneeyayaasha saxafadda Somaliland

Waxana intii munaasibadu socotay lagag wada hadlay sidii loo yarayn lahaa xadhiga saxafada Somaliland,ugu horayntiina waxa munasibadaasi ka hadlay xeer ilaaliyaha guud gobolka maroodi jeex waxana hadaladiisii ka mida ahaa “ waxa yaabaha ugu muhiisan isaga oo dastuurkeeni xoriyaad siiyay saxafadda iyo ilaalinteedaba,hadana waxa aan meesha ka maqnayn in xoriyadda kasi xayn daab leeyihiin”.

“Runtii waxyaabaha aanu halkan isku soo raacnay madama oo maxkamadii xeer ilaaliyaashii iyo garsoorkii iyo hay`adihii ay halkan ku sugan yihiin runtii waxyaabaha aan aad ugu faraxsanahay waxa weeyi in sharcigu sareeyo”.

solja2

Geestiisa waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka marka magiciisa la soo gaabiyo layidhaa (SOLJA ) oo ah ururka saxafadda Somaliland.

Hadaba guddoomiyaha ururkaasi oo hadlaya xuska maalinta saxafadda aduunka waxa uu yidhi “Xuska maalinta saxafadda dunida oo maanta laga xusayo daafaha dunida meel kasta oo u qof suxufiyi joogo waxan u diraynaa hadan nahay ururka suxufiiynta Somaliland ee SOLJA hambalyo,anaga oo leh sanadkan sanadkiisa ku gaadha nabad qab iyo horumar.

“Waxanu isla qadanay shan mab-da ayaa laysla qaatay oo ka koowaad yahay in sharcigu sareeyo oo dhamaan qaranka Somaliland uu ka shaqeeyo loona sinaado”.

Qodobka kowaad in la tixgaliyo rayi dhiibashadda in muwaadiliinta Somaliland six or ah oo aan cabsasho lahayn rayi gooda u dhiibtaan mariyaana haya`daha warbaahinta iyo fursad kasta oo ay u arkaan taladdooda iyo rayi gooda ay soo jeediyaan ileen qaranka ayaa lagu dhisayayee.

solja

Ugu dambayntii waxa munasibadaasi waxa isna kalmadiisa ka jeediyay guddoomiyaha haya`adda xuquuqul iinsaanka ee madaxa banan ee Somaliland ka hawla.

Waxana uu ugu horayntii ka warbixiyay tiradda wariyayaasha la xidhay sanadkani  iyo waliba qaabka loo yarayn karo xadhiga wariyayaasha ka hawlaga Somaliland

Hadaladii uu munaasibadaasi ka jeediyayna waxa ka mid ahaa sidan.

“Waxa na soo gaadhay afartii bilood ee u dambeeyay xadhiga  sadex iyo tobon (13) suxufi oo ugu yaraan shan (5) ka mida dacwad lagu oogay,afar(4) kamidana maxkamadi sheegtay in dacwadii lagu helaay ,tiraradaasi marka loo eego in sanadkii nus tagay hadii ay xadhigaasi ku soo socoto waxa laga yaaba ina sanadkan uu noqodo xadhigii ugu badnaa ee suxufiyiinta la xidho, markaa Somaliland waxay ka mid noqonaysaa waddamad cabudhiya saxafadda, waliba aduunyada iyada oo aynu citiraafka iyo waliba maalgashi aynu ka raadinayno”.

 

Munaasibadan ay soo qaban qaabisay ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka mid ahayd tobobar laba maalmood socday oo lagaga hadlayay sidii loo yarayn lahaa xadhiga soo noqnoqda ee suxufiyiinta Somaliland lagula kaco.

 

Wariye:Abdiqadir Habane

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS