Markii Looga Sii Darey,
Ee Cudur Darmaan Galey.
Laga Gubey Dameeraha,
Dulucdeedu Waxay Tahay,
Dawga Aada Boorama,
Kuma Geeyo Daafeed.
Waa maansadii (Daba-taxan), Beydad ka mid ah oo uu lahaa Marxuumkii (A.U.N), Macalin , Mufakir, Muhandis, Mukhtaric, Maanso-yahan Maxamed Xaashi DHamac (Gaariye), Rabbigu qabriga haw nuuree waxaan uga socdaa wiilka dhalan-habawsan ee Madaxweynaha Soomaliya ah laguna magacaabo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) , Oo aan u maleeyey in ay Somaliland iyo Soomaaliya iskaga eekaadeen sida ka muuqata hadalkii uu ka jeediyey Masaajidka maanta isagoo carab-baabey dhex-dhexaadin dagaalka tuka-raqeed ee u dhexeeya, Dawlada Somaliland iyo maamul-gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Runtii waxaad moodaa madaxdan danbe ee Soomaaliya iney marerka qaarkood si waali ah xadhkaha u soo goostaan yagoo maalin cad ku riyooda arimo aan sugneyn taariikh ahaan iyo hogaamin ahaabna.
Madaxweyne farmaajo waxa uu ka dhawaajiyey iney direen Ciidamo kala dhex-gala Somaliland iyo Puntland balse arintani noqoneyso riyo maalin cadey ah, Markaa waxa uu is bidayaa si waxay Somaliland tahay maamul-gobaleed ay xukumaan ama ay gacanta ku hayaan marka aad ka istaagto dhinaca itaalkoodana yagaa u baahan wax gar-gaara ama caawimo oo shisheeye ilaaliyaa, Waxa kale oo ka dhiman imika Fucaada ama jiilasha imika qabta hogaanka dawlada Federaalka ah Ee Soomaaliya waxan la yidhaahdo Sooyaalka ama taariikhda umada Soomaalida ah oo aan inta badan is idhaahdo fucaadan danbe waxay daliishadaan kutubta iyo buugaga uu qoro ninkan la yidhaahdo Dr.Saadiq Eenaw oo isagu gabi ahaanba ka il-duufa waayihii kala duwanaa ee Taariikhda faca-weynee Soomaalidu soo martey isla markaana soo qaata malo-awaalo iyo majaro-habawyo been ah oo umadaha qoryaha laysugu dhiibayo, Qaladaadkani in badan ayuu dhacay madaxda danbe ee Soomaaliya iney qiiro la soo fadhiistaan war-baahinta.
Anaga ka Somaliland ahaan waxaan leenahay madxafyo ama diwaano waaweyn amaba aan idhaahdee Maktabado Sooyaal oo nool kuwaasoo leh waayo-aragnimo iyo xeel-dheeri Soomaali oo dhami ku kalsoon tahay, Waxana ka mid ah madxafyada aan danbaabno Qoraaga weyn ee (Xuseen Cali Ducaale, Cawil) iyo ( C/raxmaan Aw Yuusuf Ducaale , Boobe), Kuwaasi ayaan dheer nahay soomaalida inteeda oo aan soo tabin Sooyaal qaldan balse umadooda u xafidey taariikh iyo ma guurto waxay lahaayeen ama umada soomaalida ka dhaxeysay, Waa mahad Allee xataa yaga kama hayno in la midoobey balse waxaan ka haynaa in lays-raacey oo kaliya, Hadaba ku dhaqanka taariikhdayada anagu Somaliland ahaan cidna marti ugama nihin dawladnimadayada waayo waa mid aan hore u lahayn, Hadana aan leenahay , Waligeedna aan lahaan doono, Cidase gurigeedii oo ololaya ka sheekaysaneysa Hargaysa ama Burco amaba Laas-caanood waa cid yadu laf-ahaanteed been isu maaweelinaysa waxaanen leenahay adeer waa halkii Marxuumkee Dawga Aada Boorama Kuma Geeyo Daafeed.
Socod-baradnimo iyo agnaanimo midkay doonto ha ahatee waxa ugu filan taamilo ama cibaaro bal qiyaasa labada dal halkay kala taagan yihiin dhinac walba ka eegoo waa Soomaaliya Iyo Somaliland, Farmaajona mid baan xasuusinayaa hadii aynaan sineyn inagu maxaan u yeelanaa wada hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya halkaa waxa kaaga maqaamka laba dawladood oo wada xaajoonaya, Adiguse Puntland wada hadal ma yeelan kartaan waayo waa maamul aad xukunto waxaana kuu cadeyna maal-galintii Dp-Word ee Bosaaso waxa goob-joog ahaa heshiiska Wasiirka Qorsheynta Qaranka Soomaaliyeed, Laakiinse Somaliland kaligeed ayaa lala heshiiyey yada oo ay madaxdeedu hor-kacayeen, Markaa waa kuu nasiib daro inaad ku riyootaa waxaan kuu suura-galeyn xagayaga waliba waxaan umadaha dheer-nahay maslaxo iyo isu tanaasul dawladnimo iyo dimuqraadiyadi ku dheehan tahay, Oo aan lahayn turxaan iyo isu tuur-tuur imika idinkaa xaalada xumeyna anagana na kalifaya , Maxaa wacay waxaad noqoteen Walaalkii Loo Xiiraw Adna Soo Qoyso.
Farmaajoy xil kalena waxa uu kaa saaran yahay inaad diyaariso course ku tacaluqa taariikhda Soomaalida waayo waxaa badatey tuush carerkiina, Shaley ayey aheyd Sanadkii 2012kii markii uu Wasiirka war-faafinta iyo Wacyi-galinta ahaa Jamhuuriyada Somaliland Mudane (Sooyaal-maal Cabqariya C/raxmaan Aw Yuusuf Ducaale , Boobe), kuna suntan shir-saxafadeedkii labaad ee uu soo saaro amintuna ay aheyd July 14keedii maalin Axada isagoo u aqli celinaya kuyar oo sidaa halawsan oo xiligaasi ahaa Raysal-wasaaraha Soomaliya waa C/wali Gaaska Puntlandne, Kaasi oo isna ka sheekeeyey arin riyo qaawana kuna saabsanaa amuuraha gaarka ah ee Somaliland aaney cidna la wadaagin haba yaraatee hase badnaatee, Waxaanen ka xasuustaa weedhihii qoraagu ugu fal-celiyey adeer wiil-yahaw dhumayaa horta waa mide lama Midoobin, Layskumana biirin, waa lays raacey , Laba is-raaceyna halkay doonaan way ku kala hadhi karaan waliba yagoon waxa isu-ogeyn maxaa yeelay marka horeba meel ay u wada socdeen ooy ku heshiiyeen mey taasin ilaa imika waxaan ku guud-mari Dawga aada Boorama Kuma Geeyo Daafeed.
Xaga milgaha iyo sharafta Qaranka jamhuuriyada Somaliland waxaad ka dheehan kartaa Madaxweynaha yaga Dhiiran Ee geesiga ah (Mudane Muuse Biixi Cabdi), Ee dad-yaqaanka ah, Deegaan-yaqaanka ah, Sooyaal-maalka ah, Dhamaan Soomaali iyo Geeska-afrika badankii aqoon buuxda u leh, Aan agnaan ka aheyn waxay galaan iyo waxay gudaan, Ruug-cadaa hodan ku ah hal-adeyg iyo go,aan hogaamiyenimo oo ilaa imika isagoo idinka karti iyo awoodba badan hadana darmo-nabadeed aan ka talaabsaneyn wixii gar-daro keento mooyaane, Horta farqigaasaa inoo dhaxeeya Farmaajoy waxaan leenahay hogaamiye idiin ab-tirinaya oo aanu jirin maanta mandaqada Geeska-afrika wax la waayo-aragnimo ahi, Ilaahey cimrigiisa ha raajiyee kaasi baa amintan ku suntan qaranimada Somaliland runtiina isagaa u ah muunad iyo midab laga dheehan karo hamiga iyo himilada fogaatey ee uu Qarankan Somaliland heeganka ugu jiro inuu heegadiisa ka cabo, Waa xaqiiqo biyo kama dhibcaana ineynu isu jirno maanta inta adiga iyo Madaxweynaha Somaliland Mudane: Muuse Biixi Cabdi aad isu jirtaan, Waa sababtaan anuu kuugu jawaabayo Madaxweynaha yagu kuuma qalmo inuu kuu fal-celiyo.
Guntiyo gaba-gabadii waxaan ku soo af-meeri dagaalka tuka-raq maanta waan ognahay iney abaabuleyso ama ay aloosayso dawlada Soomaaliya ee aad Farmaajoy hogaamineyso, Sababtuna ay tahay ka xumaanta iyo ka soo hor-jeedida hana-qaad midho-dhaley ee ay Somaliland ka ciyaartey doorka Maal-gashiga Iyo Dibloomaasiyada Geeska-afrikaha cusub ee mustaqbalka dhaw uu ina hayo iba-furankiisu waqti-xaadirkana ay ina dul-taagan tahay daruurtiisii, Hadaba anagoo waxaasoo dhan fahansan oo waliba xaaladaha og waxaanu mar kasta qaadanaynaa inaan talaabadayada aan dib u celino waayo waxba ma soo sido dhiig daataa oo Soomaaliadaa Tidhaahda (Nimaad Fadhiga Kaga Adeg Tahay Looma Sarakaco), Waxaa yadna muuqata doorka wadamada dariska ee gurmadka aafooyinka Somaliland dhamaantood way mahadsan yihiin, Waana mid ay Somaliland ka kasbatey mandaqada ay ku taalo yadoo nabad iyo caano mar kasta calan-side ugu ah.
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax(Jeesto).
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.