“Cabdillahi Jawaan Waxaan Odhan Lahaa Ilaahay Ka Baq Oo Fidnada Iska Daa”.Gudoomiye Xinif | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Cabdillahi Jawaan Waxaan Odhan Lahaa Ilaahay Ka Baq Oo Fidnada Iska Daa”.Gudoomiye Xinif
May 1, 2018 - Written by Reporter:

Ilaahay waxaan ka baryayaa kii xaq u leh inaanu dhaafinin.

 

Waxaanse ilaahay la hortegayaa in ay hore u dhacday laba xubnood oo sidan oo kale la isu daba mariyey gobolka Togdheer kuwaas oo ka wada tirsanaa xisbiga KULMIYE oo kii sugaha 2aad ahaa laga dhigay sugaha koowaad, kii sugaha koowaad ahaana laga dhigay sugaha labaad. Labadiiba iminka way soo galeen golahana way ku wada jiraan.

qqqqq

Ilaahayna in la saxo uu sabab aniga iiga dhigay 2005tii. Markii aansoo galay Komishanka goor subax ah 10:00am oo isha aan ku dhuftay liiskii gobolka togdheer oo kala furan guddoomiye ku xigeenkii maxkamadda sare ee waqtigaasina uu joogo.

Taas berigaa waxa sameeyey C/Laahi Jawaan halkiina way kaga caddatay, waase la gaadhey oo waa la saxay.

Cabdillahi Jawaan waxaan odhan lahaa ilaahay ka baq oo fidnada iska daa arrintana u daa cidda gacanta ku haysa, labada inanba waa reer Hargeysa, waa isku xaafad, KULMIYE ayay ka soo wada bexeen kii xaq u leh ilaahay ha ku hagaajiyo.

 

Xeerkana ha la raaco oo koodii cod dheeri leh ayaa lehe ha la siiyo, arrintan waxa xumayn kara qof aan daacad ka ahayn, waayo Qodobka 14aad ee xeerka doorashada golaha wakiilaada xeer no 20-2/2005 ayaa caddaynaya qofka beddelkaku imanaya oo waa kadka ugu badan.

 

Natiijada rasmiga ah ee la raacayaa waa ta maxkamdda sare soo saartay, ee la yidhaahdo natiijada la ansixiyey.

Natiijada komishanka waxa la yidhaahdaa ku meel gaadh, doorasho kastaana waa noocaa.

 

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Cabdikariin Xinif

COMMENTS
LINKS