Walaalahayga soomanoow waxaan idin ku baraarujinayaa qaar ka mid ah khudaarteena hodanka ah oo haboon inaad ku afruto hadii aad hesho cafimaadkeenaan u fiican.
1.Muuska
Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka.
- Muusku wuxu dawo ka yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani aadamka.
- Muuska waxa ku jira Vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucoseta-ka ku jirta dhiiga dawana ka ah cudurka loo yaqaan PMS. Sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay hadad sharaab ka samayso iyo hadaad sidisa u cuntaba.
s
2.Xabxabka ama qaraha
Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa’ido u leh jidhka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% in uu biyo maarmayn, saas oo ay tahayna waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jidhku aanu ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.
Waxaa kaloo xabxabka ku jiro macdanta bootaashiyamta oo unug walba oo jidhka ka mid ah uu u baahan yahay.
Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed waxa uu u wanaagsan yahay afurka qofka sooman.
- shamaamka
Faa’iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay Shamaamku
1- iyada oo ay ku jirto Shamaamka shayo aad u badan oo Minerals ah sida Iron, Copper, Sulfur iyo Phosphorus, ayaa waxaa loo adeegsadaa daawaynta xanuunka dhiig la’aanta (Anemia).
2- iyada oo uu Shamaamku hodon ku yahay Maadooyinka Calcium iyo Phosphorus
3- Iyada oo ay ku Jirto Shamaamka Maadada Potassium, ayuu wuxuu gargaara Jilcinta iyo yaraynta Dacarta Caloosha ee dheeraadka ah.
4- waxa uu Shamaamku waxtar u leeyahay Xaaladaha Calool fadhiga (Constipation) iyo xanuunka Babaasiirta,
Wuxuu kale oo leeyahay faa’iidooyin kale oo badan, sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay.
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com