|
|||||
WAJAALE NEWS
3 Khudaartood Oo Afurka U wanaagsan;W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
May 24, 2018 - Written by Editor:Walaalahayga soomanoow waxaan idin ku baraarujinayaa qaar ka mid ah khudaarteena hodanka ah oo haboon inaad ku afruto hadii aad hesho cafimaadkeenaan u fiican. 1.Muuska Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka.
s 2.Xabxabka ama qaraha Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa’ido u leh jidhka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% in uu biyo maarmayn, saas oo ay tahayna waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jidhku aanu ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.
Faa’iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay Shamaamku 1- iyada oo ay ku jirto Shamaamka shayo aad u badan oo Minerals ah sida Iron, Copper, Sulfur iyo Phosphorus, ayaa waxaa loo adeegsadaa daawaynta xanuunka dhiig la’aanta (Anemia). 2- iyada oo uu Shamaamku hodon ku yahay Maadooyinka Calcium iyo Phosphorus 3- Iyada oo ay ku Jirto Shamaamka Maadada Potassium, ayuu wuxuu gargaara Jilcinta iyo yaraynta Dacarta Caloosha ee dheeraadka ah. 4- waxa uu Shamaamku waxtar u leeyahay Xaaladaha Calool fadhiga (Constipation) iyo xanuunka Babaasiirta, Wuxuu kale oo leeyahay faa’iidooyin kale oo badan, sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay.
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar) Suxufi madax banaan Hargeysa somaliland Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|