|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Wasiirkii Hore Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka
April 30, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N):- Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa helay codad gaadhaya 147, halka musharaxa Ibraahim Isaaq Yaroow uu helay 118 cod.
Hore ayaa u muuqatay doorashadan in loo siidaaliyay, iyadoo dad badan sii hadal hayeen in uu doorashada ku soo bixin doono Maxamed Mursal oo hore u ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo markii danbe is casilay.
Guud ahaan doorashadan waxaa ku tartamay 10 musharax oo ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoon wareegii labaad ay isugu soo hadheen Afar Musharax, laakiin markii danbe ay tanaasuleen Labo musharax, taasoo keentay in ay isugu soo hadhaan labada musharax Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow oo looga adkaaday 29 cod. Related posts:WAR DEG DEG AH; Dhisme Guri Oo Ku Dumay Magaalada Wajaale Iyo Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ila... Go’aamo Kasoo Baxay Guddida La Dagaalanka Sicir Bararka iyo kor-u-qaadista Qiimaha Shillinka Jsl. Wakhtiga Xirsi Si U Arkayay Aniguna Si kale Ayaan u Arkayay. Kani waa mid ka Mid Ahaa Maqaaladii Tax... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|