|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Safiirka Somaliland U Fadhiya Jabuuti Oo Ka Qayb Galay Shir Urur Goboleedka IGAD Soo Qaban Qaabiyay
April 28, 2018 - Written by Reporter:Djibouti (W,N):- Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Ambsador Cabdifataax Siciid Axmed ayaa waxa uu ka qayb galay Shir Uruur Goboleedka IGAD Soo qaban qaabiyay oo ka dhacay Dalka Jabuuti islamarkaana lagaga hadlayay sidii layskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada.
Shirkan oo ka dhacay Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee uu ku leeyahay Dalka Jabuuti ayaa waxaa daahinayay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng, Maxbuub Macalin, waxaana ka soo qayb galay Dublamaasiyiinta Dalalka Shisheeye u jooga Jabuuti iyo Wafti heersare ah oo uu kamid yahay Ku-xigeenka Xoghayaha Arimaaha Dibada ee Dalka Mareykanka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sq_1VDOzNns Related posts:Daawo:Xukuumada Somaliland Oo Markii U Horaysay Ka Hadashay Mooshin La Horkeenay Baarlamaanka Sooma... Milicsiga Madaxwayne Biixi Iyo Sidii Uu Uga Soo Horjeeday Xadhiga Siyaasiga Ah Iyo ficilada Maanta A... DAAWO:Cali Khaliif oo Waddooyinka Buhoodle Lug ku dhexmaray,Bulshadana la hadlay iyo Wasiir Xaglato... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|