Yaa Lafilayaa In Uu Noqdo Ra’isal-wasaaraha Cusub Ee Dalka Itoobiya? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Lafilayaa In Uu Noqdo Ra’isal-wasaaraha Cusub Ee Dalka Itoobiya?
March 17, 2018 - Written by Editor:

Waxka Baro Taariikhda Iyo Magacyada Toddobada Xubnood  Ee  U Sharaxan Jagada Ra’isal Wasaaraha Dalka Itoobiya!

HARGAYSA (W,N) Isbahaysiga Talada haya Ee Dalka Itoobiya Ayaa la filayaa in ay Goor Dhow Kulmaan Si Ay u Doortaan Hogaamiyohooda Xiga Raysal Wasaarihii iscasilay. Qofkaas Oo Noqon Doona Ra’isalwasaraha Cusub Ee wadanka Itoobiya. Qofka la doorta Ayaa Mas’uuliyad  Adag Qaadi Doona Iyadoo Wadanka ay ka Jiraan Mudaaharaadyo Rabshada Wata.

Rai’salwasaarihii Hore Ee Itoobiya Hailemariam Desalegn Ayaa 15-kii feberwary ku Dhawaaqay in uu Iska Casilay Xilka Raisal-wasaaranimada Iyo Gudoomiyhii Xisbig EPRDF, Jagadaasi Oo Uu Hayay Tan iyo 2012-kii.

Xisbiga Is bahaysiga EPRDF Waxa Uu ka Kooban yahay Afar Xisbi Siyaasadeed Oo ku Saleysan Qaar ka mid ah Qomiyadaha Dega Itoobiya.

Balse Khilaaf Soo kala Dhex Galay Isbahaysigan Ayaa Adkeeyay In la Saadaaliyo Qofkii Uu Noqon lahaa Ra’isalwasaaraha Cusub  Ee Dalka Itoobiya.

Isabahaysigan ayaa Talada Wadanka Hayay Tan 1991 kadib Markii ay Burburtay Dowladdi Shuuciga Ahayd.

Waa kuwan Toddobada Nin Oo u Sharaxan Jagada Ra’isal Wasaaraha Ee Itoobiya.

  1. Lemma Magersa

Waa madaxweeynaha gobolka Oromiya Iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga OPDO.

47 jirkan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega Ee Gobolka Oromiya.

Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo Geeysanayo Dadka dibedbaxayaasha ah. Waxa uu Sidoo kale Ogolaaday in Uu Wadahadal la Yeesho Ururada Mucaaradaka ah.

Waxaa Loo Arkaa in uu yahay Musharax Awooda in uu Mideeyo Wadanka balse waxa ku Adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku fariisto kursigaasi Oo Maha Xubin ka Tirsan Baarlamaanka federaalka.

  1. Abiy Ahmed

Waa Gudoomiya Xisbiga OPDO, Waxaana loo Arkaa in Uu yahay Qofka loo Saadaalinayo in Uu Bedelo Ra’isalwasaarihii Hore.

Waa siyaasi Caaqil ah sidoo kalana Aqoontiisu Sarreyso.

Waxaa uu ku dhashay Caasimadda Agaro Ee gobolka Oromiya Waxa Uuna ka soo jeedaa Qoys isugu jira Muslimiin iyo Masiixiyiin.

42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray Dabayaaaqadii Sideetameeyadii.

Waxa uu la soo Shaqeeyay Milatariga waxaa Uuna gaadhay Jagada Colonel.

  1. Debretsion G Michael

Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire Oo ku Taalla Waqooyiga Gobolka Tigeeryda. Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda ku joojiyay jaamacadda Addis Ababa waxa uuna ku biiray koox hubeysan oo ka soo Hor jeedday Dowladdi Markaasi jirtay.

Markii Dambe waxa uu Aaday Dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku Soo Qaatay Tababar ku saabsanaa Technologi-yadda. Markii uu wadanka dib ugu soo laabatayna waxa uu gobolka Tigreeyda ka Aas Aasay Raadiye lagu Magacaabo “Dimtsi Weyane”.

Markii Isbaheysiga EPRDF Uu la wareegay Talada Wadanka Waxa loo Magaacabay ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Ee Qaranka.

Haatan Waa Gudoomiyaha xisbiga TPLF Ahna Wasiirka Warfaafinta.

  1. Demeke Mekonen

Waa ra’isalwasaare ku xigeenka Haatan Ee Wadanka.

Waxaa uu xisbiga Is bahaysiga Ee EPRDF ku biiray kadib markiii Uu Dhameeyay Jaamacadda, sanado yar kadibna waxa uu Xubin ka Noqday Baarlamaanka Gobolka Amxaarada.

Bartamhii sanadkii 2000 Waxa uu noqday Madaxweeyne ku xigeenka Gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare Ee xisbiga ANDM.

Sanaddi 2013, Waxaa loo Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Isbahaysiga EPRDF.

Ka Hor inta Uusan siyaasadda ku soo biirin Waxa uu ahaa Macalin. Waxaa uu soo Noqday Wasiirka Waxbarshada Ee Dalka Itoobiya.

  1. Workneh Gebeyehu

Waa Xubin ka Tirsan Xisbiga OPDO Iyo wasiirka arrimaha Dibedda Ee Itoobiya.

Waxa uu Dhashay Lixdameeydii waxa Uuna sanado badan soo ahaa Taliyaha Booliska Ee Federaalka.

Dhamaadkii Sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay Wasiirka gaadidka Jagadaas oo Uu hayay muddo Afar Sanadood ah.

  1. Siraj Fegessa

Waa Wasiirka Difaaca Ee Itoobiya .

Waxa uu inta badan ka soo Muuqdaa Warbaahinada Marka ay Dowladda ay ka Hadleyso Xaaladaha Amarka deg degga ah Ee Uu Wadanku ku jiro.

Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah Xisbiga uu Iska casilay Ra’isalwasaarahii Hore waxaana loo Magaacabay Gudoomiye ku Xigaanka xisbiga

  1. Shiferaw Shigute

Waa Xoghayaha Isbahaysiga EPRDF. Waxa uu soo Noqday Wasiirka Waxbarashada Ee Itoobiya.

Waa Gudoomiyaha Cusub Ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay Ra’isalwasaarihii Xilka Iska Casilay.

Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla Gobolka Galbeedka Ee Itoobiya. Waxa uu ahaa Macalin ku Biiray Siyaasadda.

Dadka Qaar ayaa sheegaya Doorashada loo Doortay in Uu Noqdo Gudoomiyaha xisbiga SEPDM ayaa waxa ay Gogol xaadh u tahay Suurtagalnimada ah in Uu Noqdo Ra’isulwasaaraha Xiga Ee Itoobiya.

 

COMMENTS
LINKS