WAJAALE NEWS

Telefishanka Aljazeera Iyo Somaliland: 20 Sanno Ka Dib Dhinacee Ayey Al Jazeera U Socotaa?Qalinka: Cabdilaahi Beershiya

Tan Iyo Intii u soo baxay Hadalka ka soo Yeedhay baarlamaanka Somaliya ee ka hadlayey heshiiska Somaliland la gashay Shirkada DP World telefiishanka Aljazeera qaybtiisa Af-Carabida ku hadashaa waxa u Somaliland ku soo qaaday weerar badheedh ah oo aad uga durugsan xirfada iyo dhaqanka saxaafada kaas oo ay dabada ka riixayso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dalka Qatar iyo dalka Imaaraadku.

Al jazeera oo la aasasay 1-dii bishii November sannadkii 1996-kii waxay hawleheeda shaqo ku bilawday inay isku dhigto mid dhexdhexaad ah oo gaar ahaan adduunka Carabta iyo dunida inteeda kaleba u hadasha dadka lagu tilmaamo in aanu codkoodu meel gaadhin (Voiceless People) kana dhigatay hal-ku-dheg Aragti iyo Aragti kale ayaa muddooyinkii u dambeeyey u eekaatay mid ka turjumaysa oo keliya siyaasada dalka Qatar siddii telefiishan ku hadlaya afka dawlada oo keliya.

Markii ay Aljazeera go’aanka noocaas ah qaadatay waxa shaqada iskaga tegey oo ka soo horjeedsaday rag badan oo udub dhexaad u ahaa oo qaar ka mid ah ballanqaadyo loo sameeyey lagu soo celiyey inay telefiishanka dib uga hawl galaan markii ay ka biyo diideen siyaasada hurinta ah ee wadamada qaar ay ku bartilmaameedsanayso iyada oo u jeedada ugu weyn ay tahay inay waxyeelo gaadhsiiso dawladahaas.

Sida lagu shaaciyey bogga lagu qoro siraha qarsoon ee Wikileaks Wadaax Khanfar oo ahaa maareeyihii Telefiishanka Aljazeera heerka u marayo gaadhsiiyey wuxuu xilka iskaga tegey dhawr sanno ka hor isaga oo tilmaamay in waxyaabaha uu xilkaa uga tegey ay ka mid yihiin cadaadisyada kaga yimmi goaanada lagu qaato qolal dahsoon ee lagu amro shaqaalaha Aljazeera inay fuliyaan inkasta o u isagu sheegay inuu xilka uga tegey arrimo isaga u gaar ah.

Sidoo kale Qasaam Bin Jundu oo immika ah masuulka iyo mulkiilaha tefiishanka Almayaadiin wuxuu sheegay inuu ka cadhooday sida uu telefiishanka Aljazeera ula dhaqmo dalkiisa Lubnaan oo uu ku tilmaamay inuu fitno ka dhex abuuray markii u arrintaa madaxda sare ee Aljazeera u sheegayna laga dhegeysan waayey isaguna u go’aan saday inuu shaqadii iskaga tago, waxa la mid ah wariyaha u dhashay dalka Sucuudiga ee Cali Al-Dufayri oo waraysi uu ka qaaday telefiishanka Alrisaalah gaar ahaan barnaamijka Alsamiim ku sheegay inuu aad uga xun yahay sida uu telefiishanka Aljazeera ula dhaqmo dawladaha uu bartilmaameedka ka dhigtay taasina haddii aan laga joogsan ay keeni doonto inay dunto xaruntaa weyni.

Tirada wariyayaasha Aljazeera shaqada uga tegey arrimo lid ku ah wadamadooda waxa lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 24 weriye oo dhammaantood u adkaysan waayey faragelinta aan habooneyn ee Aljazeera kula kacayso sharafta iyo jiritaankaa wadamadooda, weriyayaasha wadahadalka ku soo noqday waxa ka mid ah siday warbaahinta qaar qoreen Cali Al-dufeyri iyo Faysal Al-qasim oo labadooduba iska casilay shaqadii ay Aljazeera u hayeen.

Haddaba waqtigan xaadirka ah ee Aljazeera sida qaawan ay uga hadlayso arrimaha Somaliland waxa saldhig u ah inay macluumaad aan sax ahayn ku quudiyaan telefiishankaasi ragga uga hawl gala magaalada muqdisho oo iyagu u socda oo keliya inay ilaashadaan musharkooda iyo shaqada ka hayaan Aljazeera.

Fahad Yaasiin oo hore u ahaa wariyaha Aljazeera ee magaalada Muqdisho imikana ku biiray siyaasada Somaliya oo ka tirsan madaxtooyada dalkaas ayaa ka mid ah dadka Muqdisho ka dhex fuliya siyaasada Qatar sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta soomaalidu leedahay amma baraha bulshadu, inkasta oo ahaa nin aqoonta saxaafdiisu aanay xooganayn marka laga qiimeeyo sida u wararka u diyaarsan jirey amma la barbar dhigo ragga kale ee isaga la mid ahaa ee Aljazeera wararka meelo kala duwan uga soo diri jirey, had iyo jeer waxa ka muuqday in mustanbeedka u adeegsanayaa u ahaa mid aad u fudud oo aan saqaafad badan iyo dhisme badan ka muuqan. Laakiin luqada Carabida iyo arrimo kale uun u saamexeen inuu telefiishankaasi u matalo magaalada Muqdisho.

Had iyo jeer qaabdhismeedka fikirkiisu waxa u ka dhex muuqdaa dadka uu u soo xulo inay doodaha Alazeera ka qayb galaan oo tilmaamaysa shimbiraha u la duulaa nooca ay yihiin kuwaas oo mararka qaar siday u hadlayaan iyo madhnaanta ka muuqata waxyaabaha ay sheegayaan ceeb ku noqon karaan shacabka soomaalida ah ee laga dhex heli karo kumanaan qof oo aqoontoodu xoogan tahay.

Ugu dambeyn marka aan qiimeeyo telefiishanka Aljazeera oo muddo labaatan sanno ku dhow ii ahaa dugsi aan wax ka barto oo ay adkeyd inaan sexdo aniga oo aan daawan qaybo ka mid ah baahintiisa waxa iiga muuqata inuu cagta saaray oo uu luminayo taageeradii xooganayed ee uu ka hastay shacabka daawada, waxaana ugu wacan ayaan is leeyahay siyaada u qaatay iyo dadkii bariga dhexe oo kacdoonadii ka dib is nacay iyo weliba nooca dadka ka shaqaynaya oo wax weyn iska bedeleen.

Waxa imika soomaaliya uga warama wariye la yidhaahdo Jamac Nuur oo ah saxafi ka soo jeeda Somaliland laakiin isaga laftiisu fuliya siyaasada Fahad Yaasiin oo aan wax saameyn ah ku lahayn qaabka loo jaangoynayo wararka Soomaalida ee Fahad Yasiin uu lugta ku walaaqo, waana mid nasiib darro ah in rag badan Aljazeera uga tagaan inay dalkooda si aan fiicneyn uga hadashay halka qaar kalena ay shaqada oo keliya ilaashanayaan.

Maanta dunidu waxay dhaaftay in loo afduubnaado warbaahin oo waxa dadkii xor ka dhigay Youtube, facebook, twitter, imo,whats up iyo kuwa la mid ah waana waxyaabaha yareeyey kalsoonidii lagu qabay warbaahinta waaweyn sidaadarteed ayaa loo baahan yahay meel kasta oo aynu joogno in aan ka shaqayno waxyaabaha dadka wax u taaraya.

 

Qalinkii Cabdilaahi Beershiya

 

Exit mobile version