|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kormeeray Xarumaha Wasaarada Gaashaandhiga Iyo Taliska Guud Ee Booliska
March 1, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer kedis ah saaka ku tegay taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey masuuliyiinta qaranka u qaabilsan xarumaha uu booqday. Madaxweynaha oo uu booqashadiisa shaqo ay ku wehelinayeen wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa goor hore oo saaka ah ka bilaabay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan, iyada oo uu madaxweynuhu u kuur-galay habsami-u-socodka hawlaha ciidamada Booliska iyo shaqooyinka ka socda xarunta guud ee ciidanka Booliska. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Hargeisa Office Wajaalenews.net
Related posts:Dawladda Jabuuti Oo Lagu Eedeeyay Inay Maxaabiis U Gudbisay Maraykanka iyo Waddamada Ay Ka Soo Jeeda... DAAWO; Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Markii Uhoraysay ka Hadlay Siidayntiisii Iyo Kulan Uu la Yeeshay... DAAWO;-Hooyo Sheegay In Wasiirka Waxbarashadu Gacan Saaray, Soona Bandhigtay Tacadi Ay Wasaarada Kal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|