|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Aqbalay Mooshinkii Laga Keenaay
March 18, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N):- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale ku celiyey inuu oggol yahay in la dhagaysto codna loo qaado mooshinka isaga ka dhanka ah ee ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibananada Baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari ayaa goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in muranka siyaasadeed uu curyaamiyey hawlihii dawladda, waxaana uu Wasiirrada iyo Xildhibaannadaba ugu baaqay inay hawlahooda dib ugu laabtaan. Dhanka kale Xildhibaannada kasoo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagu shalay ku eedeeyey inuu ku xadgudbay dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxaana ay ugu baaqeen inuu iscasilo. Related posts:Xiisadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya Oo Wali Cakiran Iyo Xildhibaano Mar kale Ku Baaqay In Jawaari ... DAAWO;-Gudoomiye Baashe Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Xeerka Ururada Ee Ay Ansixiyeen, Sheegayna In Lagu... Goob Joogayaashii Doorashada Somaliland oo Soo Saaray Warbixin Ku Saabsan Qaabkii Ay Doorashadu U Dh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|