Dab Ka Kacay Guri Ku Yaala Magaalada Muqdisho Oo Sababay Geerida 6 Qof Oo Isku Qoys Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dab Ka Kacay Guri Ku Yaala Magaalada Muqdisho Oo Sababay Geerida 6 Qof Oo Isku Qoys Ah
March 19, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab khasaare xoogan geystay oo ka kacey guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Ee Magaalada Muqdisho, kaa oo sababay geerida Hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhashay.

2018319636570205239675409dab

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobollka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u sheegay in ay u gurmadeen guriga, hasse ahaatee nasiib darro ay geeriyoodeen dhamaanba dadkii degenaa.

Aabaha dhaley carruurta ku geeriyootay dabka ayaa la sheegay in uu wakhti danbe ku baraarugay dabka qabsaday guriga, isaga oo markiiba isku dayay in uu ka saaro qoyska intiisa kale oo ay ugu horeysay hooyada carruurta dhashey, balse Hooyada ayaa la sheegay in ay ka diidey  iyada oo isku dayeeysa in ay guriga ka saarto carruurta taasoo keentay in ay ku wada geeriyoodaan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka danbeysa dabka balse waxaa u soo gurmaday dadkii deriska la ahaa qoyska waxaana sidoo kale ka qeybgalay deminta dabka gaadiidka dab-demiska ah ee maamulka gobolka Banaadir.

COMMENTS
LINKS