|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Wufuud Ka Kala Socota Wadamada faransiiska Iyo Denmark.
February 15, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane Muuse Biixi cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wufuud ka kala socotay Wadamada faransiiska iyo Denmark oo ay kala Hogaaminayeen Safiirada Labadan Ukala fadhiya Somaliya, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxa uu Safiirada labadan oo xiliyo kala duwan la kulmay ku bogaadiyey boqashada ay ku yimaadeen Somaliland, isagoo ku hambalyeeyey doorka muuqda ee Dalka Denmark ka qaato kaalmooyinka sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF), iyo hay’adaha ka hawl-gala Somaliland, iyo xidhiidhka saaxiibtimimo ee ka dhexeeya labada dal. Halkan waftiga ka socday dalka faransiiska usoo djeediyay in ay kusoo biiraan wadamada ku bahoobay sanduuqa horumarinta Somaliland Ee SDF. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xogwarran ka siiyey qorshayaasha xukuumadda ee shanta sanno ee soo socda iyo xaaladda guud ee abaaraha ka soo cusboonaaday xeebaha iyo gobolada dalka, waxaanu ku dhiirri-geliyey madaxweynuhu sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinta abaaraha. Dhanka kale waxaa iyana dhinacooda ka hadlay safiirada faransiiska iyo Denmark kuwaasi oo dhamaan Somaliland ku Amaanay doorka fiican ee ay ka gaadhay dhinacyada dimuqraadiyada doorashooyinka, XUBNAHA KA SOCDAY DALKA DENMARK Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark u qaabilsan ee Somaliland ee DANIDA. WAFTIGA FARANSIISKA Xubnaha Weftiguna waxay ka koobnaayeen
WAJAALENEWS DESK HARAGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Raysal Wasaaraha Turkiga Ordogan Oo Kexeeyay Tareenkii Ugu Horeeyay Ee Ka Gudba Xadiidka Bada Hooste... Daawo:Hogaamiyaha Wadani Oo Si Dhiiran Uga Jawaabay Eedaymo ay Hore Ugu Jeediyeen Wasiir Cali Mareex... Daawo: Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax-dhaqameedka Somaliland Iyo Nux... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|