WAJAALE NEWS

Maayarkii Ugu Miskiinsanaa Isla Markaasna ugu Musuq badnaa!!

Gabilay Hoogtoo Hoos U Oyday ………. Wakhtigii Kacaanka

Gabilay Geeriyootoo God ku dhacday ………… Kulmiyaha Cusub

Waxaa dhawaanahan Danbe soo if baxaysa Xaalad kicin Dadwayne oo ugub ku ah Gabi ahaanba soomaliland Goboladeedda iyo deegaanaddeedaba. Taas oo uu ku kacay masuulka ugu sareeya Golaha Deegaanka Degmada gabilay una baahan in si Deg dega ah wax looga qabto haddii kale dhali doonta qawaacib xumo soo food saarta xukuumada uu madaxwayne Muse Bixi Abdi gadhwadeenka ka yahay.

Tan iyo maalintii uu geeriyooday Marxuum: Ali Elmi oo ahaa madaxii waaxda dhulka ee degmada gabilay oo hadda laga joogo Mudo dhan 5 bilood ayaa waxaa ka bilaaban tahay magaalada gabilay in dhulkii baloodhaysnaa ee dadku deganayaane si badheedh ah dawlada hoose oo uu hor kacayo Maayarka iyo xooghayaha fulinta ee gabilay iyagoo adeegsanaya dilaaliin gaar ah oo ay iyagu samaysteen isla markaana ay ka iibiyaan gaar ah oo dawlada hoose gacan siinaysay taas oo sababta in labadii reer/xaafadood iskaga horyimaadaan isla markaasna markay cabashadu soo gaadho dawlada hoose iyadoo qolo walba la farayo inay soo kacaystaan markaatiyaal ay dhulkaas ama baloodhkaas u haystaan balan danbena halkaas loogu samaynayo, cidii sharci ama cadayna aan waxba laga dhagaysanayn.

Haddaba markay wakhtigii balanta gaadhana waxaa la soo fadhiisinayaa miiska cabashada iyo garsore ee dawlada hoose ee gabilay kaas oo uu hogaaminayo Maayarka, laba xildhiban, xooghayaha fulinta iyo madaxa waaxda dhulka ee ku meel gaadhka ah, halkaasna waxaa ka soo baxda xukun cida ay wataan loogu xukumayo dhulka,

Cidii dhaqan galin waydana cago juglayn iyo xadhig lagula kaco waa cidii ka hortimaada xukunkan qayra sharciga ah ee lagula kacayo muwaadiniintan la dulmiyayo’e.

Xukunka noocan ah oo lagu fuliyey dad badan  dhulkoodii loogala wareegay iyadoon la qiimayn sharcigii iyo cadayntii ay dhulkooda u haysteen. Iyadoo marka ay dadku u cawdaan badhasaabka (waa Badhasaab hore Xamse) inuu yidhaahdo hawshaas kula noqda waxaa ka garnaqaya maayerka aniguna waxba kama qaban karo, dadkiina ay duuduub ku qaateen duudsiinsa ku dhacday, taas oo muwaadinkasta oo dawlada hoose hawshan oo kale u yimaada is waydiiyaan su’aasha ah “HAWSHIINII MAAYURKU XUKUN MA KASOO SAARAY?” haddaba waxaan is waydiin leh.

Dawlada Hoose ee gabilay hore miyaanay u jirin ma mid cusubaa?

Sharciga sarayntiisii Ma markhaatibaa ka kor maray?

Badhasabku goormuu noqday mid maayarku ka awood badan yahay?

Goorma ayey dawlada hoose ee gabilay noqotay maxkamad?

Maxkamadaas yaa ruqsad u siiyey inay xukunto Muwaadiniintan?

Yaa masuul ka ah dulmiga iyo xaqdara lagula kacayo muwaadiniintan aan wax galabsan?

Yaa masuul ka ah nabad galyalyada iyo isku dhaxa ka dhasha muwaadiniintan?

Goormaa muwaadinka xaqiisa dawladu ku ixtiraamaysaa?

Iyada intaas arimood ee aynu kor ku soo sheeg iyo inka badan lagula kacayo muwaadiniinta ayaa waxaa si badheedh ah maayarku u lunsanayaa hantidii dadka iyo dawladaba si badheedh iyo uula kac ah iyadoo aanay jirin cid kula xisaabtamaysa oo ka danbaysa.

Sawirka halkan ka muuqdaa waa Guri laga dhisaayo  dhul  muwaadiniintii lahaa looga qaaday waa dan guud iyo dad dhul isku haysta Ayaan ku kale saaraynaa.

Guntii iyo gabo gabadii Gabilay gurmad bay u baahan tahay!!

 

Exit mobile version