WAJAALE NEWS

Faashilka Somaliland Ee Asxaabta Badan Iyo Dimuquraadiyada.

Sannadkii 2002 ayaa somaliland laga hirgaliyay axzaabta siyaasada ee tirada badan.

Laba ujeedo Ayaa laga lahaa Nidaamkaas.

  1. In Aduunka loo tuso in somaliland tahay meel maraykan iska yeelyeel ah oo dimuquraadiyada maraykan aduunka ku sanduleeyo si bilaa shuruud ah ku qaadatay, kadibna Somaliland dhaqaale aduunka kaga hesho, ictiraafna ay inoo Horseedo markaynu dhalmaraykan noqono.
  2. In somaliland qabaailka ka baxdo oo axzaabta dadku kala Galaan qofkasta oo damaclihina cidhiidhyado axzaabta wadanka ka jirta.

Lakiin Maxaa ka Hirgalay Ujeedooyinkaas?.

Somaliland Ictiraaf Ma Heshay?.

Aduunku ma inoosoo joogsaday?.

Maalgalinta Reer Galbeedka ee dimuquraadiyadu ma suurto gashay?.

Qabaa,ilkii ma laga guuray oo Qaran mala Noqday?.

Mise mid kaba sii Daran oo aan la filayn iyo nacaybyo horlehbaa Abuurmay oo xaalku Wuxuu Noqday Reer Aan ogahay ma Guuro?.

Qof kasta oo somalilander ah Waa inuu su’aalaha iswaydiiyaa,

kadibna waxaa kuusoo baxaaya inaan wax allah wixii wanaag ah ee laga lahaa bahasha dimuquraadiyada ah iyo ujeedada loo aasaasay axsaabta badan waxba ka suurto galin, bal e ay sababtay sadexdan dhibaato ee midiba midka darantahay.

  1. Asxaabtii siyaasada ee loogu talo galay in qabiilka lagaga baxo oo isdhexgal iyo isku milan bulsheed samaysanay waxay isu bedeshay bakhaar nin leeyahay, cidina aanay ka dhex tartami karin dood iyo fikir wadaagna aan lahayn, iskaba dhaaf ee waxay noqdeen axsaabta maanta somaliland ka jirtaa gole qabiil midkasta reerka murashaxa xisbigu yahay ayuu ardaa iyo gole ay ku kulmaan u noqday.
  2. Waxla yidhaahdo saxaafada xorta ah oo iyadana dimuquraadiyadu wadato oo aan qaarkood anxash iyo edaabtoona lahayn bal e aynu odhan karo waa ta ugu khatarta badan.

Ninkasta oo meelka cadho hadlaayana wax kasoo duubaya kadibna iyada oo aan wax faafreeb ah lagu samayn sidaa bulshada lagusoo dhexdhigaayo, reer reer kale oo ay walaalo yihiin caayaya, siyaasi madaxda wadanka siduu doono u caayaya, suldaan lagu soo shubto oo kolba wixii la yidhaahdo ku hadal ku hadla waxna aan xeerinayn.

3 Been iyo horumar la,aan aan muran iyo doorasho wax dhaafsian aan lahayn, doorasho, hadana doorasho, hadana diyaar garow doorasho, hadana diwaangalin codbixiyayaal, ha socoto uun ilaa dantii guud iyo waxqabadkiiba la ilaabay.

Hadaba maxaa xal ah somaliland sidan makusii socon kartaa?.

Marhadii lagu fashilmay axzaabtii badnayd iyo doorashooyinkii maxaa xal ah?.

Mala gaadhay waqtigii aayaha qaranka laga tashan lahaa ee political stability la galilahaa?.

Qabiilka in aynu isu dhiibno oo waxku qaybsano xalmatahay maadama oo aynaan ka baxsankayn?.

Ayaynu sugaynaa inay wax inoo hagaajiyaan?.

QORE:  MOHAMED OSMAN HASSAN.

Exit mobile version