|
|||||
WAJAALE NEWS
Eng Da,uud Abiib Axmed Oo dhabaal Hambalyo ah Udiray Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose Gabiley Iyo Xubno Kale Oo Dhawaan Xilal Loo Magacaabay.
February 1, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Eng Da,uud Abiib oo kamida Siyaasiyiinta reer Somaliland Isla markaana kamida masuuliyiinta Sare Sare Ee Xisbi Xaakimka kulmiye . Sidoo kalena kamida Ahaa Xubnaha ku Suntan Guushii Madaxwaynaha Somaliland ka gaadhay Doorashadii Madaxtooyada Gaar Ahaan shaqsiyaadkii Dhexda ku xidhay Codka Gobolada Maroodi Jeex Iyo Gabiley Ayaa Dhambaal Hambalyo ah udiray Xoghayaha Cusub Ee Wasiirka Arimaha Guduhu Umagacaabay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye oo xilkaasi loo magacaabay 31/01/2018. Isagoo Arimaasi ka Hadlayana Wuxu Yidhi “Waxaan Halkan Dhambaal Hambalyo ah Uga Dirayaa Xoghayaha Cusub Ee Degmada gabiley Mustafe Maxamuud Xaaji Cabsiiye waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo xilkaasi ilaahay hakugu Asturno Run ahaantii Waa Masuul kasoo bixi kara Xilkaa Culus Ee loo Dhiibay Aniga oo ku Hadlaya Afka Siyaasiyiinta Reer Gabiley iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan Waanu kugu Barbar Taaganahay Ushaqaynta Qaranka Bulshada Reer Gabileyna mudo badan ayay sugayeen in Mar Uun Dawlada Hoose loo soo Magacaabo Waji cusub Iyo Masuul Hanan kara Masuuliyadaa Culus ee loogu dhiibay Umada, Dhanka Kale Eng Da,uud ayaa dhambaal Hambalyo oo taa lamida Hawada umarinaya gudoomiye kuxigeenka Haayada Qoxootiga iyo Barakacayaasha Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheikh Cali Jawhar, Iyo sidoo kale xoghayaha Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa (JUXA), iyo Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Salel Ee Dhawaan Madaxwaynahu Umagacaabay xilalka Waxaan Iyana Dabcan Hambalyaynayaa dhamaan Masuuliyiintaa Aan kor kusoo xusay Ee Dhawaan Madxwaynuhu Magacaabay Kuwaasi oo ah dhalinyaro Aqoon leh Kana soo bixi kara xilka qaranka, ayuu yidhi Eng Daa,uud, WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:Ururka Warshadleyda Somaliland oo Cabasho Ka Muujiyay Wareegtadii Madaxweynuhu Kaga Joojiyaya Cashuu... DAAWO;-Beeralayda Gobolka Gabiley Oo Diyaar Garoobaya Qodista Beeraha Xili Roobabka Gugu Ay Curteen. WAR-SAXAAFADEED: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|