WAJAALE NEWS

Axdigii Jabhada SNM Iyo Jacaylkii kula Maana, Qiso Dhaba!

Kala Duwanaanshaha Jiilasha Somaliland.

Madashii Xilwareejinta Badhasaabnimada Ramaax Iyo Xamse Cadaw-yuurara Ayaa Ahayd mid falanqayn iyo Raad siyaasadeed ku reebtay dadkii ka soo qayb galay deegaankaasi ku nool. Akhyaar badan oo xafladaha noocan ah  ka soo qayb gali jirin oo aan ka mid ahay ayaa xoog doonaynayey xafladan Sobobta oo ah Gudoomiye Ramaax oo ah nin deegaanka abtirsiin wadaag yihiin iyo aftahanimadiisa shakhsiyadeed ee looga bartay sida ay isku waajihi doonaan. Ku warami maayo hadaladii la isla jeex-jeexay ee waxa qalinka igu kalifay dhacdo yar oo koobnayd oo dhagahayga soo jiidatay markii muwaadin jabhad SNM soo ahaa oo la socday wasiir-xigeenka Arimaha gudaha iyo dhigii 00 reer Gabiley ahaa oo ay iskugu danbaysay waayihii halgan ee jiidaha jabhada SNM la joogay ay madashu kulmisay. Sheekadoodu ma daarana dagaal gobeed iyo wacdirihii ay ka dhigeen oo badanaa ku caan ah sheekooyinka jiilashii SNM soo gaadhay.  Waa laba mujaahid is xasuusinaya waayahoodii dhalinyarnimo wakhtigii ay dhufaysyada ku jireen iyo sida uga duwan yihiin lododka maanta jooga. Waxan soo tabin doonaa Hawaalo warankii mujaahid jeclaystay in aan la fahmo isba inuu wax soo jeclaaday dhalinyarnimadiisii isaga oo jab ah uuna ku dhalay awlaad uu ka mid yahay wariye caan ah oo maanta warbaahin ka hawl gala. Waa gabadh milgo ku leh saxafada Somaalida ee magaceeda ma kuu sheegaa? …..

Madasha markii laga dareeray waxa loo kicitimay xaga guriga martida ee Gabiley oo badanaa casuumad dumar sameeeyeen loogu diyaaarsho kolba madaxda timaada. Somalidii hore waxa ay odhan jireen magan aan tolkaa kugula socon iyo Marti aan Afadaadu kula sooryeyn midna kuma suurto gasho.  waa sida Aan ku qanciyey naftayda markii indhohaygu qabteen hablo Aad u da’ yar oo u adeegaya martidii la casuumay. Ana waa markii iigu horaysay oo aan Guriga Martida  imaado wakhti casuumad qado ka jirto. Fursad umaanaan helin aniga iyo Xildhibaan Cabdi Cidle iyo Adeero Mawliid daahir in aanu gudaha u soo dhaafno. Xildhibaanka ayaa sheeda ka arkay Ilaaliyaha khaaska ah ee gudooomiyaha oo irida albaabka ka celinaya dad badan oo sharaf ku ag leh umada agtooda oo ku dhawaaqaya soo daa la ima odhan..ilayn waa duni ninkii laga xishoon jiray cidiba xaalayn…

Aduunyooy xaalka ba’ Anigu isma lihi Xildhibaan golaha deegaanka degmada ayaa isaga iyo qareenkii laga horjoogsan oo milgihii xildhibaannimo la qiimayn waayi. Wafdigii soo dareeray uunbaanu soo dabo galnay ee aniga qorshaha igumay jirin casuumada kolay waa cashuurtii dadka deegaanka laga guray soo calfo.  Xildhibaan baan la socdaayo isma lihi waardiyaha albaabku wuu idin celin karaa.. Inta aanan gaadhinba iridii oo ay naga horeeyaan ilaa saddex xildhibaan oo kale oo dadkii la socday dajiya lagu leeyahay go’aansanay dib u laabta. Dib u uga laabanay anigoo ay dhagahayga ku soo dhacayaan xiiqa xildhibaan kale oo ku qaylinaya ilaaliyihii amarka  qabay  kuna dhawaaqaya waar aniga ayuu ila socdaa inanku oo Arabsiyo ayaanu ka wada nimi ee soo daaa…..” Iii—iinyo “isna leeyahay ee adigu gal isaganu dibada ha kugu sugo…. Xildhibaanow xaal qaado lakin waa Gabiley iyo caadadeed iyo ciyaareheed…. Aan gundo dhaco ubucda sheekadee aan ka soo qadayno gurigii Xildhiban Ciidle oo naga diiday in aan kala qado tagno.  Gobtii oo kala dagan nimaadnay oo qayilaad loo diyaar garoobay. Is araga labadii mujaahid goobta ayey ka dhacday iyo doodii dhalisay kala duwaananshahayaga. Waa iyagoo SNM ahaa dhalinyarnimadoodi iyo Anoo Somaliland ah.

Goobtii ayaanu isa soo taagnay oo gudihii ayaanu u soconay waa gudoomiyaashii iyo wasiiradii oo kaftamaya sheekono u socoto.. waa madal iga da’ wayn oo sii dhexjoogeeda wuu igu yar adkaaday… dibada iyo daarada iska soo joogtsaday. Isha ku halacsaday gaadhi hortayda taagan oo askar dhar cad ah oo suudhadh xidhani ku dhexjiraan. Nin aanan hore u garanayn ayaa waji furan ayaan arkayaa oo ila hadlaya. Hadalo gaaban na dhex mare oo martidii la sooryey baad ahaydeen kuye haa… ana idhi bal isha ka reeba curdinkaas weelka guraya kolay waa xigtoo jiidhka ii damqanayee… Niyada iska idhi kolay waalidkii dhalay hablahaasi yaryar uma warhayaan in ragu ur-ure iyo in biqilka haamaysaba goobta jooga… waa mujaahidkii jiida SNM jacaylku ku helayee igu yidhi waaryaa dhal Mujaahidow ka dhaqaaq goobtaas waxbanu ka eeganaynaaye.

Waan magac garanayaa lakin ma muuuq garanayo mujaahidka. Waar  nin Rashiid la yidhaa oo arts oo aanu walaalo nahay lambarkiisa ii sheeg. Oo waaba abtigay ee hoo  qoro. Qiso waata danbaysee.. waxa goobta soo istaagay mujaahid Gabiley ku nool oo aan qudh iyo maan u garanayo. Waa halgamaa aan daryeel dawladeed helin. markii dalka la soo galay oo anagoo caruur ah marka aanu magaciisa maqalno wakhtiyadaasi cabsi iyo baqo nagu dhalan jirtay. Mulcaamada kamanan rawixi jirin ilaa waalid na soo doono hadii uu yimaad agaagaarka. wakhtigaaas wuxu noo xisaabsanaa nin waalan ilayn ciyaal aan xaq mujaahid garanayn baanu ahayn. “Waar adeer, ina Yuusuf, ninkaasi miyaanu ahay Mujaahid Mustafe Xasan Nuur?” ayuu I waydiiyey.

 Aniga oo magaca iyo sheekadiisii isku kay qabsteen oo aan wali jawaabin mujaahid Mustafe yidhi waa anigii ee adna ku maad ahayd? …  laysku soo durug…. Ilayn waa rag dhalinyar nimadoodii jiidaha dagaalka iyo halgan la dagaalan dawlad ku soo qaatee hore ayaa la isku garan waayey…. Busayl iyo boholyaw la isku salaaan… waa mujaahid hanoonsanaa.. xasuustii dhacdadii iskugu danbaysay ilayn waa afgarashee la isla soo qaad.. Miyaanad xasuusan tuulada Dabaylka iyo maalintii aanu  jacaylkaaga u dagaalanay? la is garay oo la isku soo bood. Ana diiday in hasaawuhu xidhmoo waanigaa jaaam iyo xanto-xanto galiyey ee Idhi “ oo SNM jacaylkana miyey taqaanay? “ Oo adeer waayo inantayda Heblaayo yar ba jacaylkii Jiida iyo furimaha dagaalka iga helay ayey ku dhalateeee?

Dhandhan kale ayeyba sii yeelatay…waa halkii abwaankee “awlaad jacayl dhalay udgoonkaad ku garataa”. Haye oo siday wax u dhaceeen Ilayn suxufiyadana shaashada ayaan ka bartoo oo xaalku waa bun iyo u sameee Saloole? Jabahad SNM ah iyo Jacayl kolay jiilka koowad ee Somaliland la kacaamay ee aan ka midka ahay isku kay qaban maysee sheekada wadaay idhi. Kolay waxay markhaati u tahay kala duwaananshaha jiilasha kuwada nool Somaliland iyo Somalida kale dhamanteedba (Generational Differences). Wajiyada labada mujaahid waxa ka soo mudh baxay isku hilow kala raagis aanay iska warhayn. Tallow yaa uurkaaga qala oo quruumaha ku loolama ku yidhaa garta u qaad. Labadabu biyaha qabow iyo maaxdeediiba midna kuma durduurtaan.

Jacaylkan jabhadaa ku dhacayaa dayn maayo nin maanta nimcadaa ku noole ee markii Mujaahid Mustafe u baxay hadalka wuxu yidhi “ Adeer, anigu dhalinyarnimo ayaan horaantii 80aadkii ku biiray SNM anigu. Ilaa 17 jir ayaan ahaa colmoog ah. Ma arag nolosha imika dhalinyarta gadahaasi ee imika joogaa maraan markay gedahaas yihiin. Waa wakhtiga noloshu ugu macaan badan tahay ee xataa ka dhixista gurigiinu iyo ku dib jirka magaalo kale macno samayso. Xaraabo dhan ayaa dhandhan leh gedaahaas….  Anaga oo adeer dabaylka joogna ayaa waxa soo talaabay laba hablood oo ka mid ahaa ardaydii dugsiyada sare ku jiray ee reer Hargaisa.  Qurux iyo ilwaadba leh oo dhamays ah lakin ay ku go’antay ka qayb galka halganka SNM. Mujahid Yusuf Cabdi Goboobe ayaa soo jeediyey in Hablaha la celiyo maadama ay yihiin hablo wali dhalin ah. Ana in la celin ayaan ku dagaalamay oo rasaas ayaan riday… dhalintii kale way ila galeen oo laba garab ayaanu noqonay…  Adeer halganka xoraynta jacaylka iyo kan xoraynta dadkaaga iyo dalkaagu waa isku xanuun oo iska sibaa nafta loogu huraa’

Geesta Mujaahid Adeero Ilig-hoose ayaan idhi oo adna siday wax kuula muuqdaan maalitaas. “ waxa aniga iyo mujaahid kale maalintaas naloo diray ugaadh inaanu soo dilno madaxda SNM ku cashayso caawa.  Sakaaro iyo labo bakayle ayaanu soo dilnay iyo 18 rasaas ahna waanu soo isticmaalnay. Markii aan raadinaynay ugaadha ayaan aniga oo saaran geed arkay Hablaha xadka ka soo talaabay ee soo socda?  Tuuladii ayaanu nimid. Rasaasta naga baxday ayaanu ka yar warwar qabnay oo 18 xabo jabhadka waa ku qaali. Anaga oo aan wali ribootkii bixin ayaa rasaasta mustafe bilaabantay oo dabadeed labada garab kan rasaasta ridayey ayaanu hiil u muujinay.Labada hablood ee wakhtigaas(Shalay) oo surto gal ah in ay yihiin laba hooyo oo wakhtigan ah (Maanta) kolay waayo hooda iyo wixii ku kalifay inay nolol fiican ka tagaan oo tagaan mid jabhadeed waa dhibahii jiray ee dawladu wakhtigaa dadka kula kici jirtay.. sida jiilka maanta joogaa u dareemi karaa dhibtaas waagaa jirtay way ka duwan tahay kuwii wakhtigaa la noolaaa ee ilaa maantana nool siday u dareemayaan. Dhalinyarnimadu waa xiiso iyo xoriyad qofka soo marta.  Waa nin iyo waagi… qof jabhadnimuu ku qaatay iyo qori iyo rafaad…bal diirada maanta ku eeg oo sidee labadaa jiil Somaliland uga wada filaaan kartaa?  dhalinyarnimada dhagaysiga heesuhu waa geel laba jir soo wada mar. kuwaas waxa aad u dhagaysan jireen heesihii kicinta kuwa imika joogaana heestii “Barbara” ama “bun iyo salool” . labadu waa Jiilasha kala duwan kuna wada nool maanta. Jiilashan qaar waa kuwa cahdigii SNM u tahay Xiiso iyo bari samaad halka kuwa kale oo badhkood siyaasin yihiin qabaan in aan SNM CV noqon Karin. Kala Haad iyo Kala haab. “Dalwanaaje Qurboow Maxaad duul isku keentay”.

Maalintaas si badheedh ah ayaan dibada u wada fadhiisanay Mujahid Mustafe iyo Abtigay Rashiid. Kolay waa iska xikmad mirqaane la qaatay oo suugaan iyo sheekooyin muxash-xashnimo ka bawsanay. Waxa madasha nagu wehelinayey buugii “Dadka Maxaa Ka Dhexeeya” ee uu qoray Xasan Jamac Yasin. Waa buug falsafiyan iyo macnawiyan kuu tafsiiraya waxa dadka ka dhexeeya kuuna furaya albaab cusub oo la tacaamilka dadka iyo ahmiyadiisa. Buugii dartii isla meel dhignay in ay jirto baahi loo qabo in la cilmiyeeyo in kala duwaanansho loddod reer Somaliland ahi jirto ee aan la kala xaq badnayn lana kala mudnayna.

(SOMALILAND GENERATIONAL DIFFERENCES)

Somaliland: “Walee Anigu Goornaba kuma Noco Gobaadeey”.

Muhyadiin Yussuf Cade ( Qaddaw)

galbeedi1988@gmail.com

 

Exit mobile version