Wasiirka Horumarinta Beeraha Jsl Oo Furay Shir lagaga Hadlayo Sidii Kor Loogu Qaadi lahaa Wax Soo Saarka Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Horumarinta Beeraha Jsl Oo Furay Shir lagaga Hadlayo Sidii Kor Loogu Qaadi lahaa Wax Soo Saarka Dalka.
January 9, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa, (W,N) —Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa furay shir ay aqoonyahanka takhasuska u leh Beeruhu kaga arinsanayaan sidii dalku u gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah.

Shirkan oo socon doona muddo sadex cisho ah laguna qabtay xarunta Wasaaradda horumarinta Beeraha ayaa waxa ka soo qayb galay Aqoon yahan badan oo takhusus dheer u leh culuumta beeraha iyo daneeyayaal dhanka beeraha.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in dalku u baahan yahay sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho dhanka cuntada ah, taasina ay qayb weyn ka ahayd ololihii Xisbiga Kulmiye wajigiisa labaad ee xukunka ku galay tartanka, isaga oo tilmaamay inay ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee ay ku ololaynayeen wakhtigii doorashada.

Wasiirka horumarinta beeraha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Shirkan waxa aynu isugu nimid waa mid lagaga tashanayo sidii dalku cunto ku filan u soo saaran  lahaa ee aynu u soo saari lahayn, waxaananu iskugu kiin yeedhnay inaad maskaxdiina tuushisaan oo ka wasaarad ahaan anaga oo waafajinayna Qorshaha horumarinta Somaliland (Somaliland National Plan) iyo Barnaamijka Xisbiga Kulmiye ee ololaha aanu ku galnay oo qodobka wax soo saarka beeruhu ugu muhiimsanaa aad soo saartaan natiijo sidii wax soo saar loo samayn lahaa ku qotonta”.

Halkan Ka DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS