|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR-SAXAAFADEED ; Xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolada M/Jeex, Gabiley Iyo Hawd .
January 29, 2018 - Written by Editor:Waxaan halkan idiinku Soo Gudbinayaa Qoraalkan Oo Aan ugu Talogalay Saxaafadda, :- Waxaan halkan kaga dareen celinayaa Hadal ka Soo yeedhay Mr. Mustafe Maartin oo ka mid ahaa Taageerayaasha Xisbiga Waddani kuna sugan Dalka Maraynkanka kuna tiraabay inuu dalka Maraynkanka kaga dhawaaqay waxa uu ku sheegay United Somaliland Front oo uu Madaxweyne ka yahay. Xisbiga Waddani oo aan ka mid ahay saraakiisha sare, ugumaanu jirin Reernimo, Qabiil ,Qollo, Shakhsi jecelayn ama shakhsi nacayb, ee waxaanu doonaynay in xisbiyadda Qaranka Jsl, lagu kala biro si looga guuro Qabyaaladda ma dhalayska ah, lana taabo geliyo hanaanka geedi socodka Dimuqraadiga Jsl ka hanna qaaday oo tiir dhexaad u ah xaqiijinta qaranimada iyo Gooni isu taagga Jsl. Haddaba, Waxaa Ayaan darro ah in Mustafe Martin hadlkiisa riyada ah laga dhadhansanayo inuu ku hadlayo Afka Xisbiga Waddani, isagoo soo qaaday doorashadii Madaxtooyadda Jsl ka qabsoontay 13/11/2017, oo ay ku tartameen 3da Xisbi qaran, Kulmiye, Waddani iyo Ucid, oo ay ka qayb qaateen cod bixinta doorashaddaa dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland, Iyadoo Murashixiintii u tartamay doorashada Madaxtooyada ee Xisbiyada Waddani iyo Ucid ee laga guuleystayna ay aqbaleen natiijada doorashada una hanbalyeey Murashixiintii Xisbiga Kulmiye ee ku guuleystay doorashada Madaxtooyadda Jsl. Gebegebadii, Waxaan u soo jeedinayaa Mr. Mustafe Martin inaanu wakhti iskaga lumin riyadan mala-awaalka ah, Jamhuuriyadda Somalilandna halkan aad taagan tahay muddo hor ayay dhaaftay oo wey ka kortay, Waxaanan ku leeyahay riyadaan hortaa jiraba wuu waayay. Wa Bilaahi Tawfiiq Md. Siciid Muuse Cabdi- Bustaale Xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani Gobolada M/Jeex, Gabiley iyo Hawd Date, 29/01/2018 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|