Tirada dadka adduunyada ku nooli bisha tan January dabayaaqadeeda waxa ay noqonayaan 7.6 bilyan amma toddoba bilyan iyo lix boqol oo kun oo ruux. Inkasta oo dhaqaalihii adduunku uu si guud u korayo 4% sida ay IMF sannadka kan xustay haddana taa beddelkeeda dalalkii xasillooni-darradu ka jirtay waa ay sii badanayaan.
Labaatankii dal ee hore ee ugu xasilloonida-darnaa shan kale ayaa ku soo biiray. Maanta dalalka ugu xasilloonida xun adduunka aan idin la wadaago e, waa kuwa kan oo u kala khatar badan sida ay u kala horreeyaan; Koonfurta Suudaan, Soomaalya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Koongo, Suudaan, Chad, Afgaanistaan, Yemen, Hayati, Bakistaan, Simbaabwi, Gini, Ciraaq, Afri-Koos, Suuriya, Gini-Bisaw, Nayjeeriya, Kiiniya, Itoobiya, Nijeer, Burundi, Yugandha, Erateeriya, Laybeeriya iyo Barma.
Waxa xusid mudan in dalalka Itoobiya iyo Yemen oo aynnu jaarnahay ay ka mid yihiin dalalka xasillooni-darrada adduunyadu ka jirto – halka ay Soomaaliya oo wax badani innaga dhexeeyaan ay tahay tan labaad ee adduunka ugu khatarta badan. Waxa xusid mudan in Itoobiya dad badan oo Soomaali ahi ay aaminsan yihiin in ay tahay dal nabad ah oo weliba xoog-weyn Soomaalida na khatar weyn ku ah – Laakiin runtu waxa ay tahay in ay tahay naf la caari – halka ay ka burburi la’dahayna ay tahay dunida reer galbeed oo rabta in Itoobiya aaney kadaloobsan.
Dabcan Somaliland kuma jirto kuwa amni-darrada la gu xusay oo magaceedu kama muuqdo – laakiin waxa la raaciyey Soomaliya oo sharciyan adduunyadu hal dal u haysato. Haddii ay sidaa tahay na waa in Somaliland ay bahwadaag la tahay dalka labaad ee adduunyada ugu khatarta badan – sida Suudaan oo nabad ah ay Darfuur u sahayatay – Kiiniya oo ka mid ah dalalka Afrika ugu horumarsan na ay dimuqraadiyadda iyo Alshabaab ay dhayda u ga liseen ayey Somaliland na ay Soomaaliya amni-darnideedu magac dil ugu filnaatay eh.
Si walba ha ahaato e, waxa hubaal ah in si guud khatartii dunidu ay isa soo tareyso oo ay soo badaneyso. Halka ay si gaar ahna ay khatartii gobolku innoo gu soo weynaaneyso. Somaliland iyo dadkeeda hal mid ayaa la gudboon sida ay aniga ila tahay – waana isku duubni iyo in ay si fiican u fahmaan isbedbeddalka adduunyada iyo heerka colaadda mandaqadda oo fidi ogi ay gaadhsiisan tahay maanta.
Jeegaan iyo hagbad iyo jaal kale oo ka jeel ahi toona geesnaba inna anfici maayaan aan ka ahayn isku duubni guud iyo walaalnimo ehel, dhiig, sokeeye oo isir raac dabada ku haysa ma ogiyo. Madaxweynaha iyo dawladda hadda joogta midayn iyo walaalnimo buuxda ayaa la ga rabaa – xisbiga Waddani isna midayn dhankiisa ah ayaa loo ga fadhiyaa. Ninka aan waxa soo socda garani waxa joogana ma garto.
Mohamed Hagi Mohamoud