Oday Samo Talis ah Oo Madaxwaynaha Somaliland Ugu Baaqay In Uu Sameeyo Jeel U Gaara Madax Dhaqameedka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Oday Samo Talis ah Oo Madaxwaynaha Somaliland Ugu Baaqay In Uu Sameeyo Jeel U Gaara Madax Dhaqameedka.
January 26, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N)  Bulshada Somaliland ayaa gudo iyo dibadba aad u dhibsaday hadalada xanafta leh ee ay warbaahinta isku dhaafsanayeen mudooyinkan danbe qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland taas oo dhagaha dadka somailand ku noqotay mid  ku abuurtay cabsi iyo war war kala soo daristay dhaqan burburka ku yimid madaxdhaqameedka reer somliland oo iyagu mudooyinkii hore ahaa kuwii dhidibada u taagay qaranimada Somaliland iyagoo, qayb laxaad leh ka soo qaatay hub ka dhisgistii iyo dib u dhiskii dalkaba.

oday taliyay

 Isbadalka iyo burburka ku yimid madaxda dhaqanka Somaliland ayaa noqtay mid xiligan  shacabku ka rajo dhigeen madaxdhaqameedka taasi badalkeediina  xiligan dalbanayaan sidii ay xukuumadu talaabo adag uga qaadi lahayd cidkasta oo afka dhaqanka ku hadasha kuna dhawaaqda wax bulshada kala fogaynaya.

Oday Cismaan Xuseen wuxuu ka mid yahay odayaasha samo taliska ah ee Somaliland isla markaana wuxuu hurmuud ka yahay shakhsiyaadka sida adag uga soo horjeeda  hadalada dhiifta leh ee ay warbaahinta isku marinayaan xubnaha cumamadaha dhaqanka sida.

Hadaba oday Cismaan Xueen ayaa fariin muhiima u diraya madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi  taasi oo uu ka codsanayo in uu sameeyo jeel sigaara loogu xakameeyo madaxdahqameedka iyo salaadiyiinta ku kaca wax bulshada kala kaxaynaya .

Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “yidhi Mudane Madaxwayne  anigoo ka mida odayaasha reer somaliland isla markaana jecel horumarka dalkan iyo sidii looga bixi lahaa Aafada Qabyaalada  ee xiligana aynu arkayno carooga qabyaaladeed ee ay afuufayaan madaxdii dhaqanka ee lagu yiqiinay ka talinta samaha  in ay caadaysteen inay ku baaqaan wax shacabka kala kaxaynaya.

Waxaan kaa codsanayaa anigoo warbaahinta kuusoo  marinaya Taladaydan in aad  dhisto Jeel  gaar loogu xakamaynayo  madax dhamqameedka somalliland kuwooga dabi qaran gala kaasi oo lagu hayn doono cidii ku kacda wax bulshada kala fogaynaya iyo sidoo kale kuwa  isku cumaamada shaqo aan loo dooran.

Mudane madaxwayne dhismaha jeelkan waxaan u arkaa in uu yahay xalka kaliya ee lagu xakmayn karo  Aafada salaadiinta xiligan Ay  Somaliland ku Hayaan.

 

ILAAHAY TALADA SAN HAYNA WAAFAJIYO AAMIN AAMIN

ODAY  CISMAAN XUSEEN JIBRIIL

HARGAYSA SOMALILAND

 

 

COMMENTS
LINKS