|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Dhaariyey Golaha Wasiirada Xukuumada Somaliland
January 25, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N)-Xubnaha golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhaarta distuuriga ku gutay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa hortiisa maanta, waxaana dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare Prpf. Aadan Xaaji Cali Axmed. Dhaartan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada, isla markaana uu waajibinayo qodobka 129-aad ee distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa goob joog ka ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana ay dhammaanba golaha wasiirradu iyaga oo baabacada midig ku haya kitaabka Qur’aanka kariimka ah ay ku dhaarteen inay daacad u noqon doonaan Diinta Islaamka, Dadka iyo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland muddada ay xilka hayaan.
Halkan hoose ka daawo Muuqaalka https://youtu.be/dyJjkN1Tb4s Related posts:Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Amar Culus Dul Dhigay Imaamyada Masaajidada Iyo Waxa Uu Ku Saabsan Y... Daawo: Soo Dhawayntii Murashax Cirro Iyo Waftgii Uu Hogaaminayay Loogu Sameeyay Magaalada Berbera Somaliland Oo Ku Kaliyaysatay Shirkii Nayroobi Iyo Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Sobobta Somaliya Uga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|