|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xalay Dhalinyaro Tiro Badan Xabsiga Utaxaabay Iyo Hudheelo Ganacsi Oo Ay Albaabada U Laabeen.
January 1, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) ciidamada Booliska Somaliland Oo xalay heegan buuxa la galiyay ayaa hawl gallo kala duwan ka sameeyeen qaar badan oo kamida xaafadaha hargaysa kusoo oo ay kusoo qabqabteen dhalinyaro tiro badan oo qaarkood xiligaa xusayay xuska sanadka cusub ee curtay 2018-ka. Waxaana sidoo kale ciidamadu ay albaabada u laaben hudheelo ay dhalinyaro tiro badan damacsanayeen inay ku dhigtaan xaflado ay ku xusayaan sanadka cusub Ciidamada Booliska ayaa dhalinyarada ugu badan waxay ka qabqabteen magaalada Hargeysa, Halka magaalooyinka kale la sheegay sidaasi oo kale ay ciidamadu xidhxidhayeen cidii lagu arko goob fagaare ah. Xalay ayay ku beegnayd xuska sanadka miilaadiga ee 2018-ka oo ah sanadka ay wadama aan islaamka ahayn xusaan,waxaana amarkan ay ciidamadu xalay ku qabqabteen dhalinyarada ayaa kasoo baxay xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. Isagoo uu dhawaaqan sheegay wasiirka diinta iyo awqaafta. Ciidamada Booliska ayaa habeenadanba waxay wadeen hawl gallo ay ku qabqabanayaan dhalinyarada amni darada ku wada gudaha magaalooyinka ee koox kooxda u wada socda.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|