|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Oo Magacaabis & Xilka Qaadis ku Sameeyay Qarkamida Maamulayaashii Kastamada Iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaarada+ Dareenada Ka Dhashay,!!
December 28, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Wasiirka Wasaarada maaliyada Ee dhawaan Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Uu xilka Wasarada Usoo Magacaabay Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Ayaa Magacaabistii Ugu Horeeyay ku Sameeyay Maamulayaasha Kastmada Dalka Qaar iyo qaybo kamida Agaasimo waxeedyada wasaarada maaliyada Talabadan isku shaandhaynta ee wasiirka maaliyadu qaaday ayaa noqotay mid dareeno kala duwan ka dhex abuurtay gudaha shaqaalha wasaarada maaliyada iyo dadka isda dhow ula socda dhaqdhaqaaqa wasaaradamaaliyada Sidoo kale arinta uu wasiir yuusuf ku biaabay shaqada wasaarada ayaa shaqaalaha wasaarada dib u xasuusiya hadalo uu hore ugu tiraabi jiray xiligii uu shaqaalaha wasaaradan uu ahaan. Wasiirka Wasaarada Maaliyada Ee Xiligan ayaa Hore u ahaa Maamuli Kuxigeenkii kastamka Kalabaydh Taariikhdu maray ahayd 2010 ilaa 2012 Xiligaasi oo lagu eedeeyay musuq maasuq halka masuulkii uu xiligaa maamule kuxigeeka uu u ahaa hada uu yahay Maamulka kastamka Kalabaydh, Waxay Qormooyin xiiso leh dib ugu milicsan doonaa Waa kuma Wasirka Maaliyada Ee Xiligan Yuusuf ? Majiray Arimo Musuq Maasuq Oo Hore loogu Eedeeyay? Shaqkhsiyaadka uu xilalka kala duwan umagacaabay maxaa laga Dheehan karaa shaxda uu u fadhiisiyay? Majireen xubno xilal kala Duwan ka yahay Wasaarada Maaliyada Oo uu Hore xafiiltan Uga Dhexeeyay? Talaabo Nooceeyay Ayuu Durba kaga Qaaday Awooda Shaadhka Xilka Qaranka, HALKAN KA AKHRI MAMAGACYADA ,TIRADA MAAMULAYAASHA KASTAMADA EE UU XILKA KA QAADAY IYO AGAASIMO WAAXEEDYADA Uu QAARKOOD ISKU BADALAY. Maamulihii kastamka Saylca Faysal Dheera Wuxu ka Qaaday Xilkii, Maamulihii kastamka Madaarka Hargaysa Cabdixakiin Galay Wuxu ka qaaday xilkii, Maamule kuxigeenkii Kastamka Berbera Wuxu ka qaaday Xilkii Maamulihii Kastamka Wajaale Maxamuud Maal Wuxu Ka Qaaday Xilkii. ;; Agaasimihii maamulka lacagta Bahja xasan wuxu ubadalay Agaasimaha Shaqaalaha AGaasimaha Cashuuraha Bariga Wuxu u daayay kuxigeenkii hore u joogay, Agaasimaha Waaxda Baadhista iyo kormeerka wuxu ka qaaday xilkii halka Uu U magaacabay lataliye,
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|