Xukunkii uu doonayey hel, waa se maalin kale maantu, oo siday isu-qaban dhaqankiisii hore iyo kan uu soo galay? Mooyi, isagaa ka jawaabi.
Waa nin dantiisa wax walba ka hormariya, dantiisuna waa sideed xukun ku heshaa. Dhaqaalaha uu helo wuxuu u leexiyaa inuu xukun ku helo. Cadowgiisu waa ninka markasta dantiisa ka soo horjeesta. Saaxiibkiisa dhabta ahi waa kan mar kasta dantiisa u fuliya. Wax ceeba uma arko inuu raadiyo qofka ay isku danta yihiin. Wuxuu hadh iyo habeenba jecel yahay in ay tiisu mar kasta meelmarto. Marna raali kama aha inuu la saaxiibo qof ka caqli badan, ka aqoon badan, ka fikir wanaagsan, ka dood fiican……ka…ka… dadka ka soo horjeeda laba qaab ayuu ula dhaqmaa: ta koowaad, inuu shakhsiyaad maafiyo ah lacag siiyo, si ay cabsi iyo cago jugleyn ugu geystaan. Ta labaad, dhaqaale buuran ayuu siiyaa, qacda hore oo uu ku soo xero geliyo, si uu uga xishoodo, oo aanay waxba ugu soo celin.
Waa tii hore loo yidhi” Af wax cunay xishoo”. Maaha laba wejiile waxa uu si cad u jidh diidaa qofka cadowgiisa ah, ma salaamo, magaciisa laguma soo hadal qaadi karo, wax xidhiidh ah oo toosan ama dadban lama yeesho. Mar kasta waxa fooda wejigiisa ku qoran inuu cadow la yahay qofkaasi. Haddii aad saaxiib la tahay, si fiican ayuu kuu soo dhaweyn, wuu ku salaami, ku koolkoolin, sheeko wanaagsan ayuu kula yeelan, danta aad leedahay iyo tau u leeyahay weydin ka wada hadli. Beenta ma yaqaan, hadalka inta cad ayuu ka yaqaan, xoriyad dhamaystiran ayuu haystaa, wixii uu diido isla goobta ayuu kaga fal-celiyaa Waxba dib uma dhigto, waxba ma xeeriyo, cidna uma habarado. Hadday bir ka adag tahay wadnaha ayuu hadalka ku jaraa.
Xukunkii uu doonayey hel, waa se maalin kale maantu, oo siday isu-qaban dhaqankiisii hore iyo kan uu soo galay? Mooyi, isagaa ka jawaabi. Waa kan xafiiskii soo fadhiistay waa tan loo furay siminaar( xeeladaha siyaasad lagu waajaho). Casharada siyaasada waxa ugu horeeya, kow, xanaaq yaan lagaa dareemin, haddii lagaa dareemo, yaanu kaa muuqan. Hadal cad ha sheegin, meelihii cawl cawlnaa ee aad fadhiisan jiray yaan lagagu arkin. Ha lagaa helo hudheelada waaweyn ee shaahoodu laba doolar yahay. Tilifoonka beddel, saaxiibada beddel, gaadhiga beddel, lebiska beddel, hadalka yaree ileyn madax ayaad noqotaye. Lambarada aanad garanayn ha qaban, qofka aad in yar oo ixtiraam ah u haysid, shir ayaan ku jiraa fariin ugu dir.
Suxufiyiinta hadal guud kula hadal, xafladaha aqoonta ama siyaasada hadh iyo habeen ka qaybgal, oo welib xagga hore fadhiiso kamaradu ha ku qabatee. Baabuurkaaga muraayadaha mar kasta dallac, xafladaha lagugu casuumo markaba codso in hadalka lagu siiy, af-gaabnidii iyo dhawrsanaantii aad hore dhaqanka ugu lahayd bedel IWM. Casharadii sidooda ayuu u qaatay, xitaa waxba iskamuu shaandhayn. Waa kan bilaabay khudbadii, kuye, aniga oo afkii hebel ku hadlaya, ma isagaa qofkiiba ah, siduu afka qof kale ugu hadli karaa, alle ku doori. Jagadani way uga dartay, waxa ay barty wax aanu aqoon, cayda iyo indho la’aantu waa wax uu ku faano. Wuu isla toosan yahay, wuxuu u haystaa waxa uu sheegayo inay ummaddu oo dhami ay rumeysan tahay. Suuqa ayuu xantiisii ka maqlaa iyada oo dadku leeyahay, nin fiican ayuu ahaa, xaaraan muu aqoon, way waaleen, jar bay ka rideen, alla yaa u soo celiya sumcadiisii.
Carruurtiisa iyo xaaskiisa waxa ay jaarku odhan jireen way bakhtiyayaan, balse maanta xaaraan ayuu ku guray oo sidii raha ayey kelyaha ka raaxeen. Siduu kolba xaflad u taagnaa, ayuu maalintii dambe tegay xaflad aroos mise fannaaniin dumar u badan ayuu dhexgalay, oo dabada lalulayo. Warbaahintii meel kasta wixii ka dhaca heli jirtay ayaa soo bandhigtay muuqaal isaga oo dabada lulaya. Dhambaalii ayaa gaadhay madaxdii ka saraysay, xilkii ayaa sid deg deg ah looga xayuubiyey. Qoraalkii lagu eryey, waxa la raaciyey hadal u dhignaa sidan” waxaad gashay Shil siyaasadeed”.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan