Gaadhi Nooca Xamuulka Qaada ah Oo Dib Uga Noqday Dalacada Jidka Isku Xidha Xaafadaha Xero Awr Iyo Jig JigaYar+ Khasaaraha Uu Gaystay ’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gaadhi Nooca Xamuulka Qaada ah Oo Dib Uga Noqday Dalacada Jidka Isku Xidha Xaafadaha Xero Awr Iyo Jig JigaYar+ Khasaaraha Uu Gaystay ’
December 11, 2017 - Written by Editor:

Gaadhi Nooca Xamuulka Qaada ah Oo Dib Uga Noqday Dalacada Jidka Isku Xidha  Xaafadaha Xero Awr Iyo  Jig JigaYar+ Khasaaraha Uu Gaystay ’ SAWIRO

HARGAYSA(W,N) Midkamid Gaadiidka Waawayn Ee Qaada Xamuulka Ismarkaana Siday Raashin ayaa Xalay Niskii Danbe wuxu dib uga Noqday dalacada jidka Isku Xidha Xaafadaha Jig Jiga Yar Iyo Xero Awr.

gaadhi wayn 4

Gaadhi siday rashinka ayaa awoodi kari waayay in uu ka baxo Tiirada Jidka kaasi oo dib unoqday Isagoo khasaare Hantiyeed Gadhsiiyay Dhisme kamida kuwa Saaran laamida Agteeda oo ay ku taalay farad Lagu sameeyo Alaabooyinka la dhigo Guryahan,

Wuxuna gabi ahaanba burburiyay qaybta hore ee dhismahan isagoo sida ka muuqata sawiradan dib ugalay

Majirto khasare nafeed oo uu sabobay gaadhigani.

gaadhi wayn 1 gaadhi wayn 2

Sidoo kale wuxu khasaare soo gaadhay wayn ee siday  rarka iyadoo ay jidka hareeri hiisa daadsan yahay  Raashinkii uu siday halka gaadhiga ay soo gaadhay burbur,

Jidka Isku Xidha Labada Xaafadeed ee Jig Jiga Yar iyo Xero Awr ayaa marwalba waxaa ka dhaca shil noocan oo kale mudo dhawr bilood ka hor ah ayay hayd markii gaadhi wayn oo ah nooca xamuulka qaada ahi uu isna dib uga noqday dalacadan. wallow uuna gaysan khasaare nafeed hada waxay marwalba oo shilalka noocan oo kale ahi dhacaan biriiska isku xaafadaha waxay  sobobaan in ay dhib wayni soo gaadho isku socodka gaadiidka,

gaadhi wayn 2

Majirto cid wax talaabo ah ka qaaday sidii xal looga gaadhi lahaa shilalka noocan oo kale  soona noqnoqda iyadoo  gaadiidka wawayn ee sida rarka mara ay soo maraan wadadan.

gaadhi wayn 6

Dhanka kale wadadan halbowlaha u ah isku socodka qaybo badan oo kamida caasimada  xidhiidhisana xaafada ugu balaadhan magaalada Hargaysa ayaa xiligan ubaahan dayactir lagu sameeyo, gabi ahaanba Jidkan, waxaana gudaha laamidan ka dilaacay godod waawayn oo mararka qaar Soboba isku dhaca gaadiidka ,.

 

 

WAJAALENEW DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS