Warbixin Laga Helay Baadhitaanka Ay Dawladaha Midawga Yurub Ku Dabagaleen Shirkadii Daabacdey Waraaqaha Codbixinta Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Laga Helay Baadhitaanka Ay Dawladaha Midawga Yurub Ku Dabagaleen Shirkadii Daabacdey Waraaqaha Codbixinta Somaliland.
November 19, 2017 - Written by Editor:

Dubai (W,N) Qaar kamid ah Dalalka Deeqbixiyayaasha ah ee Somaliland ka caawiya arimaha Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda ayaa, bilaabay Dabagal ay kula xidhiidhayaan Shirkadii Soo Daabacdey Waraaqaha Codbixinta Doorashada ee hawlwadeenada Komishanku kasoo Sameysteen Waraaqahaasi.

Dabagalkan Dawlladaha Deeqbixiyayaasha Doorashooyinka ka Caawiya Somaliland  ay kula Xidhiidheen  Shirkadan Soo Sameysay  Waraaqaha Codbixinta Doorashadii Dhawaan ka dhacdey dalka Ayaa Xogaha laga helay Xidhiidhkani daaha ka rogayaa in ay Sitoos ah ula Xidhiidheen Maalqabeenka isagu Mulkiilaha ka ah Shirkadaasi Abdulaziiz Alghuriar oo ah Mulkiilaha Guud ee Alghuriar group Islamarkaana, ah

shirkada alqurayb 1

Maalqabeenka labaad ee Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta maadaama uu Yahey Nin leh hanti badan oo Warshado iyo Bankiyo ba ah taas, oo aanu ka Warqabin Arintan kadib markii lagu wargaliyey in looga baahan yahey baadhis lagu sameynayo Shirkadiisa in Waraaqo Dambe oo lamid ah noocii Somaliland ku gashey Codbixinta laga Daabacdey mar labaad Shirkadiisa iyadoo ay sabab u tahey sida ay Culeyska u Saarayaan Baadhistani Dawladaha Dawnnerska  Baadhistani maadaama oo hore Shirkadan  Alghuriar looga Daabacey Waraaqihii Codbixintii Doorashadii ka dhacdey Dalka Kiiniya ay jireen isla Doorashadaasi Madmadaw badan oo Qalalaase Sababey ka dhashay.

mulkiilaha alqurayb

Hadaba Xogaha laga helay Arintan ay Culayska saarayaan dalalka u badan Midawga Yurub oo markii hore Hambalyeynayey Sida Fiican ee Shacbiga Somaliland u dhiibteen codkooda haseyeeshee, Walaac xoogan ka bixiyey dareenada kasoo baxey habdhaqanka Komishanka iyo Xukuumadu ugu xagliyeen Xisbiga Kulmiye madmadawna ku keenay Cidbixintii Somaliland oo ay Suurtagal tahey in halkan ay ku burburto Seeskii iyo Nidaamkii dheeraa ee ay usoo mareen Dimuqraadiyada iyo Doorshooyinkii kasoo Qabsoomay Somaliland, Waxa kale oo Xogahani daah furayaan in Baadhistani bilàabantey Shaley ilaa galinkii Dambe ee Doraad kadib markii Xisbiga Wadani Qaadacey Wadashaqeynta Komishanka Rabshado Dhimasho iyo Dhaawacba leh khasaare badanina ka dhacey ay  keentay Musuqa looga Shakiyey Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee uu badhkood  Qirtey Gudoomiyaha Komishanku.

codbxinta

Sidoo kale  Waxa ay Xogaha laga helay Shaqaalaha Shirkadaasi  Alghuriar Sheegayaan in uu ka hawl galey daabacaada Dambe ee Waraaqaha Cidbixinta Sarkaal katirsan Xukuumada  oo Aqoon u leh Dalkaasi islamarkaana, isagu qeyb ka ahaa Heshiisyadii DP-World iyo Saldhiga Imaaraadku ka Doonayo Berbera inkastoo, ay natiijada baadhistani si toos ah u bilaabantey Waxa la Sheegay in Mulkiilaha Shirkadan soo Daabacdey Waraaqihii Dadku codkooda ku Dhiibteen Doorashadii 13kii bishan ka qabsoontey Dalka Somaliland Abdulaziiz Alghuriar ayaa, isagu wax walba ka ka ogolaadey Dawladaha Midawga Yurub ee ka codsadey baadhista arintan isagoo ah Maalqabeen ka Madaxbanaan Shirkada DP-World iyo Siyaasada Dawlada Imaaraadka labadaba Waxaana lagu Wadaa in ay baadhistaasi kasoo bixi Doonaan Arimo maxsuul u noqon Doona Doorashada Somaliland ee Wali Natiijadeedii laalan tahey Waxaanay Wararkani Tibaaxeen in Mulkiilahani ilaalinayo Sumcada Shirkadiisa haseyeeshee, hadii ay Dawladahaasi ka helaan Raadadka ay hada ku daba joogaan Sumcad xumo iyo Danbi Weyni uga soo baxayo Komishanka iyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

 

WAJAALENEWS

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS