|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimihii Dhawaan Iska Casiley Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Iyo Xubinimadii Xisbiga Kulmiye Oo Dib Ugu Laabtay Xilkii Uu Hore Iskaga Casiley
November 4, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-Agaasimihii Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Saciid Cali oo wiigan horaantiisii iska casilay Xilkii Xukumada Iyo Xubnimadii Xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsanaa Golihiisa dhexe kuna biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani kalana qeyb galay laba maalmood Ololaha doorashada magaalada Berbera mudo afar maalmoodana xisbigaas ka tirsanaa ayaa wararka na soo gaadhayaa sheegayaan in uu dibna ugu laabtay xilkii wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo xisbigii Kulmiye ee uu hore isaga casilay. Warkan oo la xaqiijiyay ayaa waxa uu sumcad xumo ku yahay Masuulkan mudada afarta maalmood gudeheeda u kala dab qaaday Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo xukumada oo dhinac ah iyo Xisbiga Waddani oo dhinac ah. Sheekha Saleebaan saciid Cali ayaa fagaaraha 26ka Juun ee Berbera laba maalmood ololaha Doorashada Xisbiga Waddani kala qeyb galay isaga oo eedo culus ujeediyay Xisbiga Kulmiye ee uu hada dib ugu laabtay.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan https://youtu.be/9e2f5lUKX6A
Related posts:Baarlamaanka Dalka Itoobiya Oo Aqbalay Is Casilaadii Hailemariam Desalegn Iyo Xubnaha La Saadaalinay... Wasiirka Warfaafinta DDSI Oo Sheegay In Gacanta lagu Soo Dhigay Dadkii Ku Lugta Lahaa Dilal foolxun... Hooyo 24 Sano ONLF Ahayd oo Markii U Horraysay Qoyskeeda La Midowday, Kana Warantay Dhibaatooyin Soo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|