WAJAALE NEWS

Aaway Aqoonsigii Somaliland.?… Bal Maanta Meel Ku Sheeg.!!!

Waxa runtii wax aad looga murugooda ah in maanta iyadoo dhibaatooyin waaweyn oo nooc walba leh ay dalkeena dhex yaalaan, in hadana maanta

 

Anigoo ah Mohamed Ismail Hussein. (Amb Balishire) Safiirkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia. Waxaan ugu horeyn halkan aan ka salaamayaa, dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland dal iyo dibadba. Intaas ka dib, waxaan maanta mar kale aan qalinka u qaatay in aan wax ka taab-taabto dhibaatooyinka aan kala go’a lahayn ee taxanaha noqday ee dalkeena hooyo  maanta dhex yaala.

 

Waxa runtii wax aad looga murugooda ah in maanta iyadoo dhibaatooyin waaweyn oo nooc walba leh ay dalkeena dhex yaalaan, in hadana maanta aqoonsi-raadiskii Somaliland uu hawada sare ka sii baxay, Wax rajo ah oo la qabaana aanay haba yaraate jirin. Waxa kale oo maanta iska cad oo qof kasta oo ilaahay caqli siiyey si hawl yar u fahmi ama arki karaa in Wasaaradii Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland (WADIC) ay si cad oo rasmi ah u fashilantay.

 

Hadaba fashilka weyn ee aan la qiyaasi ama aan la qarin karin ee ku yimid aqoonsi raadiskii dalkeena hooyo ee Somaliland. Waxa masuul dhaba ka ah dawlada maanta dalkeena ka jirta oo aan xaqiiqatan rabin in dalkani uu aqoonsi helo, isla markaasna ka door biday in iyaga sidan ay ugu badiso, iyagoo xoolihii umada ka dhistay guryo waaweyn, fooqyo dhaadheer, baabuur qaali ah iyo hanti dibada la dhigto intaba. Isla markaasna si badheedh ah u go’aansadeen in shacabka reer Somaliland ee duruufo kasta oo adagi ay maanta dusha ka saran yihiin in ay sidaas duliga iyo darxumada iyo mustaqbal la’aanta ugu sii hayaan oo ay ugu jiraan. Iyaguna noqdaan kuwo ku naax naaxa xoolaha laga soo uruurinaayo dadka danyarta ah ee maanta Somaliland ku jaahwareersan.

 

Waxa hadaba maanta shaki ku jirin in meeqaamkii ay Somaliland ku lahaan jirtay aduunka in uu kun jeer hoos uga dhacay. Oo maanta aynu la siman nahay maamul goboleedyada ka jira dalkii la odhan jiray Somalia, sida Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Jubaland. Halkii ay awal hore qadiyada Somaliland kaga jirtay ama ka taagnayd qiimaynta dhanka beesha caalamka meel aad u saraysa, oo beesha caalamku ahayd kuwo inoo haya xushmad iyo karaamayn, qadarin gaar ah isla markaasna inagu maamuusa ishana si gaar ah ugu hayn jiray guud ahaan dalkeena iyo go’aan qaadashada adagee inoo meel taalay ee aan ka laabadka lahayn…

 

HADABA MAXAY TAHAY SABABTA KEENTAY IN AAN ISKA CASILO XILKII AAN MAANTA KA HAYEY DAWLADA SOMALILAND.?

 

Runtii sababaha aan isku casilay ayey ka mid tahay, markaan arkay sida ay u fashilantay wasaaradii dhamayd ee aqoonsiga dalkan iyo dadkiisaba ugu maqnayd. Markii aan arkay in wasaaradii dhamayd ay ka dhamaan wayday Seminaaro lagu qabanaayo hoteelada waaweyn ee magalaada ku yaala, oo badanaaba loo qabanaayo shaqaalaha wasaarada iyo shaqsiyaad kale oo aan macne weyn samaynayn oo badanaa qurbejoog u badan.

 

Markii aan arkay mashaariic waaweyn oo dalkan iyo dadkiisaba wax weyn tari lahaa oo aan dawlada u soo bandhigay gaar ahaan wasaarada arimaha dibada, mashaariicdaas oo wax weyn ka tari lahayd dhan aqoonsi raadis, dhan maal gelineed iyo dhan samafal intaba. Mashaariicdaas oo dhamaantood aan ka soo diyaariyey dalka Australia. Kuwaas oo nasiib daro noqday kuwo dawladu ay iga hoos qaadi wayday. Ama la odhan karo waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay.!!!

Waxaan soo diyaariyey mashruuc  weyn oo ahaa dhanka amniga dalka oo ay maal galin lahayd dawlada Australia, mashruucaas oo ahaa in wadanka oo dhan ilaa madaarada dalka oo dhan (Airports), dekedaha (Sea ports) ilaa xuduudaha dalkoo dhan (Border security services)  laga wada dhigo “fully computerised system”. Si loo helo cidii dalka ka baxday iyo cidii soo gashay oo dhan intaba isla markaasna amniga dalku noqdo mid aad loo sugay.

 

Waxa kale oo intaas sii dheerayd in aan Somaliland u soo diyaariyey mashruuc kale oo isagana ay maal gelinaysay dalwada Australia  oo ahaa tirokoob rasmi ah oo qof kasta oo muwadin ah macluumaadkiisa oo dhan la record garayn lahaa isla markaasna la asaasi lahaa waxa loo yaqaano “National Data Collection Centre.” Laakiin nasiib daro waxaas oo mashaariic ah oo wakhti badani igaga lumay, waxay noqdeen wax aan la danaynayn maadama mashaariicdan aan  Doolar bidaar leh laga dhex arki waayey.”

 

Waxa kale mashaariicdaas ka mid ahaa in aan soo diyaariyey qorshe dhamays tiran oo ay si weyn igala shaqeeyeen labada safiir ee dalka Australia u fadhiya dalalka Ethiopia iyo Kenya. Qorshahaas oo ahaa in dalwada Australia ay Somaliland ka soo furato xafiis ganacsi oo wax weyn tari lahaa Somaliland. Xafiiskaas oo aanu isla garanay in loo bixiyo magaca, “Australian Trade & Investment Cooperation” Hadaba xafiiskan oo mar kale aan shir jaraayid aan ku faahfaahin doono, waxa uu ka koobnaa guri weyn oo fooq ah oo dhan ilaa 15 makhsin oo ah guryahan waaweeyn ee haayaduhu galaan. Oo dawlada dalka Australia ay diyaar u ahaan lahayd in ay soo maal geliso kharashka gurigaas ku baxaaya iyo dhamaanba mushaharka dadka ka hawl gelaaya xafiiskaas oo dhan oo ka iman lahaa dalka Australia. Waxa dhanka kale shaqo ka heli lahaa dad badan oo reer Somaliland ah.

 

Waxa aanu soo diyaarinay haayada rugta ganacsiga ee dalka Australia ee loo yaqaano Australian Chamber of Commerce in ay booqaso ku timaado dalka isla markaasna aanu ka wada hadalnay in ay xafiis ka furtaan Somaliland , waxaana dalka imanaayey madax haayadaas ka socotay oo la kulmi lahaa laamaha dawlada Somaliland oo dhan, laakiin waxa nasiib daro noqotay in laygu jawaabay kharash uma hayno, lagu soo dhaweeyo ee haday rabaan in ay yimaadaan waa in ay isa soo dabaraan.!!!

 

Waxa kale oo mashruucan qayb ka ahaa haayada loo yaqaano “Australian Council for International Development.” Oo ah haayad kale oo ka hawl geli lahayd  dhanka horumarka iyo gurmadka abaaraha. Waxbarashada gaar ahaan Scholarship=ka oo la siin lahaa ardayda ugu saraysa jaamacadaha Somaliland. Waxa kale oo intaas dheer in shirkadaha macdanta baadha ee dalka Australia oo aanu qaar ka mid ah xidhiidh wanaagsan leenahay in ay Somaliland xafiis ku yeeshaan oo ay helaan cid ay la soo xidhiidhaan hadii ay rabaan mashaariic in ay ka fuliyaan dhanka baadhista macdanta ah.

 

Waxa hadaba xafiiskani wada shaqayn fiican la yeelan lahaa wasaarada macdanta iyo tamarta ee Somaliland, Waxaanan arintaas aanu isla meel dhignay oo isla fahanay wasiirka macdanta iyo tamarta, mudane Hussein Abdi Dualleh oo aan aad uga mahad naqaayo sida sharafta leh ee uu hawshan iila waday, xil weyna iskaga saaray sidii mashruucani uu u hirgeli lahaa.  Hadaba Xafiskan oo noqon lahaa mid hawlahaas aan kor ku soo xusay iyo qaar kaloo badanba qaban lahaa, waxa uu maanta noqday mid siqiiray oo ay sabab u ahayd wasaarada arimaha dibada ee Somaliland.

 

Hadaba si mashruucani u dhamaystirmo isla markaasna aan u hor dhigo mashruucan oo dhamays tiran, wasiirka arimaha dibada ee dalka Australia, Marwo Julie Bishop. Waxaan u baahday in aan afar waraqood oo taageero ah aan ka helo wasaradaha kala ah, wasaarada macdanta, wasaarada ganacsiga, wasaarada Qorshaynta iyo wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, oo iyadu ah wasaarada ugu muhiimsanayd in mashruucan ay dabada ka riixdo si dawlada Australia ay tixgelin gaar ah ay u siiso.

 

Waxaan u mahad naqayaa wasiirka macdanta iyo tamarta ee Somaliland, Mudane Hussein Abdi Dualleh, oo si weyn ii qaabilay isla markaasna taageero ila garab istaagay in mashruucani hir galo, ahna wasiir fahmaaya faa”iidada ku jirta Mashruucan oo guulaysta, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa wasiirada kale ee kala ah wasiirka ganacsiga mudane Omar Shucayb iyo wasiirka qorshaynta qaranka mudane Maxamed Ibrahim Adan “Qabyotire” oo iyaguna ii balan qaaday in ay igala shaqayn doonaan mashruucan waxtarka weyn Somaliland u leh. Laakiin waxa nasiib daro weyn oo aanan ilaa hada rumaysan kari waayey igu noqotay markii wasiirkii arimaha dibada ee Somaliland mudane Sacad Ali Shire uu si cad u diiday in uu mashruucan taageero isla markaasna warqadaas taageerada ah ii qoro, (Simple Support letter) oo ahayd waxa kaliya ee aan uga baahnaa. Isagoo markaasi daliishanaaya Australia waa wadan fog oo marnaba aqoonsi inama siinayso.!!!!!

 

Dhanka kale markaan arkay in mudnaantii uu dalka Australia lahaa la siin waayey. Australia oo run ahaantii ah dal iskii qaarad u ah oo ka weyn labaatan dal oo ku yaala qaarada Yurub, kana dhaqaale badan ku dhawaad 50 dal oo ku yaala qaarada Africa. Markii la qiimayn waayey lagana soo qaaday dal fog oo aan Somaliland aqoonsi siinayn. Halka nasiib daro wadamo yar yar oo ku yaala Yurub, oo dhul ahaan leeg magaalada ugu yar qaarada Australia, kuwaasoo la siiyey mudnaan aanay u qalmin oo aanay xaqba u lahayn. Wax ay ilaa hada Somaliland usoo qabteena aan abid la arag.

 

Hadaba anigoo Australia ku soo casuumay wasiiro badan oo ka tirsan dawladan xilka maanta haysa iyo dabcan shaqsiyaad kale oo ka tirsan asxaabta qaranka  ee maanta dalka ka jirta.  Waxaan filaayey in dalkan weyn ee qaarada leeg ee barwaaqada ah ee ay indhahooga ku soo arkeen, in mudnaanta uu leeyahay la siin doono. waxaanan wasiiradaas Somaliland aan la kulan siiyey dawlada Australia iyo haayado kale oo dawli ah iyo kuwo aan dawli ahayn oo caalami ah oo dhamaan Somaliland dan weyni ugu jirtay.

 

Hadaba wadankan oo wax weyn tari lahaa Somaliland haday noqoto dhanka ictiraafka, dhanka caafimaadka, dhanka waxbarashada, gaar ahaan Scholarship-ka, dhanka beeraha, maalgashiga caalamiga ah, gurmadka abaaraha, gargaarka caalamiga ah sida biyo xidheenka ama biyaha oo la qabto “ Shallow wells for water installation for the prevention of draught related disasters”  Waxa intaas sii dheer mashaariic kale oo ku saabsan, la dirirka argagixisada caalamiga ah, budhcad badeedka, Tababar khaas ah oo ay dawlada Australia diyaar ula ahayd in ay siiso ciidanka Somaliland, booliska, sirdoonka iyo ciidanka xeebaha intaba. hawlahaas oo dhan oo xafiiska Somaliland horena u waday hadana diyaar u ahaa in uu si weyn oo baaxad leh usii laban laabo iyo dabcan waxyaalo kale oo ay Australia ku caan tahay, oo aan laga helayn maanta wadamada kale ee sida Yurub iyo North America.

 

Waxa af kala qaad igu noqotay markii masuuliyiin waaweyn oo dawlada ka tirsani ay igu yidhaahdeen, “ma qaadan karno deeqdaas oo hadii aanu qaadano waxa nalaga jarayaa deeq yar oo aanu ka helno dawlada Ingiriiska.” Hadaba waxa aynu maanta ka wada warqabnaa in dalkeenu u baahi weyn u qabo sidii uu ku heli lahaa aqoonsi buuxa oo dhab ah. Kaas oo ah mid si hagar la’aan ah loogu hawl galo. Waxay Somaliland ay maanta xaq u leedahay in qadiyadeeda si dhab ah loogu iib geeyo beesha caalamka, isla markaasna dhaqaale culusna lagu maal geliyo, hawl galka aqoonsi raadiska Somaliland. Si aynu uga baxno dhibaatooyinka ina haysta ee maanta dalkeena curyaamiyey, isla markaasna aynu beesha caalamka uga mid noqon lahayn.

 

Waxa hadaba iska cad oo hubaal ah in Wasaaradii Arimaha Dibada ee Somaliland ee u xilsaarnayd in dalkan iyo dadkiisaba ay u keento aqoonsigii ay raadinayeen ee ay baahida weyn u qabeen mudada dheer, ay si rasmi ah u fashilantay. Waxa hadaba is waydiin mudan oo qof kastaaba oo ilaahay caqli siiyey in uu is waydiiyo ay tahay maanta, goorma ayaa dhegaheenu in ay maqlaan ugu danbaysay wax la yidhaahdo AQOONSI AMA AQOONSI RAADISKII SOMALILAND. !!!. Waxaan filayaa ilaa sadex sanadood ayaa hada laga joogaa. Waxaana wax wada hadal ah oo dhex mara Somaliland iyo Somalia ugu danbasay shirkii ka qabsoomay dalka Turkiga ee ugu danbayntii uu sida yaabka leh ee farsamaysan uu u fashiliyey Professor Ali Khalif Galaydh.

 

Hadaba waxa maanta Wasaaradii Arimaha Dibada ee Somaliland ay la meeqaam noqotay, wasaaradaha kale ee dalka gudihiisa ka hawl gala sida wasaarada deegaanka, wasaarada hawlaha-guud, wasaarada warfaafinta iyo wasaarada xanaanada xoolaha, halkaasna waxa gebi ahaanba hawada sare ka baxay aqoonsi raadiskii ay wasaaradani ugu maqnayd shacabka reer Somaliland. Hadaba muwaadin waxaynu dhamaanteen ka wada warqabnaa in maanta wasaaradii aynu aqoonsiga ka filaynay ay nasiib daro noqotay mid fadhiid ah oo geed hoostii jilbaha dhigatay.

 

Waxa ayaan daro kale oo aad u weyn ah, in dawlada Somaliland ay maanta iyadu baryootamayso oo ay baryeyso dawlad xamar dhaafin oo magac mooye muuqa aan jirinba, kana codsanaysa in ay mar kale wada hadalkii xidhmay ee dalka Turkiga dib loo furo.

 

Waxa kale oo runtii wax aad looga murugoodo ah in maanta wasaarada arimaha dibada u furan yihiin in ka badan labaatan xafiis oo loo yaqaano “Somaliland Diplomatic Mission” Wax runtii la taaban karo oo ay soo kordhiyeena aanayba jirin, halka qaarkood fadhiga iyagoo guryahooga iska jiifa ay u xaadiraan mushahar dhawr kun oo doolar oo maraykan ah bishiiba. Laakiin waxa nasiib daro kale ah in aanay dalka wax la taban karo ama mashaariic dalka laga fuliyey oo ay keenen aan abid la arag, Dhamaantayana ayna wada saaran tahay masuuliyad qaran, hadaba waxqabad la’aanta wakiilada Somaliland ee dalka dibadiisa jooga, waxa u sabab ah waa habacsanida ka muuqata wasaarada arimaha dibada oo iyada leftigeedu isba ogeyn,  cid ay ogaato iskaba dhaafe. Isla markaasn ay hawada ka baxday guud ahaan wixii la odhan jiray isla xisaabtan dhab ah oo u dhaxeeya wasaarada arimaha dibada iyo dhamaanba wakiilada dibada ku maqan oo dhan.

 

(Unfortunately, There has been a lack of transparency and accountability in that particular department, which is extremely very shocking and very sad, indeed.)

 

Hadaba wasaaradan oo ah mid loo kordhiyey dhaqaalaha ay ku hawl gelayso oo ah dhaqaale dhan malaayiin doolar oo loogu daray Budget-ka dalka, ayaan hadana ilaa hada u muuqan mid hal talaabo hore u qaaday. Aan ahayn xaflado lagu qabto hoteelada waayen oo loo qabto shaqaalaha wasaarada iyo dad kale oo qurbo joog ah oo wax macno weyn oo ay soo kordhinayaan aanay jirin. Sidaas daraadeed waxaanay ilaa hada shacabka u soo bandhigin wax inaba aqoonsi ku saabsan oo ay dalkan iyo dadkiisa ay u soo qabteen ama ugu maqan yihiin  inaba.

 

Hadaba ugu danbayntii waxaan qabaa in si cad loo hagraday in Somaliland ay hesho ictiraaf ilaa hadana aan xataa haabkiisi ama jidkii loo mari lahaa aan laba hayn. Ilaa maantana aynu ka hoos bixi kari weynay dalkii la odhan jiray Somalia oo ilaa hada ina sheeganaaya in aynu nahay gobol iyaga ka tirsan, wixii awal hore la isku odhan jiray Somali republic.

 

Hadaba ma dawladeena ayaa halkaas maanta ina dhigtay? Mise aduunka intiisa kale ayaa indhaha iyo dhegahaba inaga xidhay.? Waa Suaal.

 

Waxaan qabaa si dalkani loogu hawl galo si dhab ah, sidii uu u heli lahaa aqoonsi buuxa. Waxa hubaal ah in dalkani maanta u baahan yahay is bedel dhab ah. (For the sake of this nation, we desperately need a real and a practical change) 

 

Hadaba fadlan si aynu u helno aqoonsi raadis laga daacad yahay, jidkii toosnaa ee saxda ahaa ee lagu raadin lahaa aqoonsiga Somaliland ee aynu baahida weyn u qabnay mudada dheer ee kor u dhaaftay 26-ka sanadood. Si hadaba jidkaas toobiyaha ah aynu cagta u saarno… isla markaasna dad ehel u ah qadiyada Somaliland oo aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmaayo, aynu maanta wakiilano oo aynu si culus oo baaxad weyn u hawl gelino…  Fadlan u hiili maanta Somaliland oo codkaaga ku deeq xisbiga isbedel doonka ah ee Wadani… Ilaahayna aynu talo saarano, isagaa awood lehe.

 

Mohamed Ismail Hussein (Amb Balishire)

Former Special Representative to Australia.

Wakiilkii hore ee Somaliland ee dalweynaha Australia.

Email: info@somalilandfoundation.com 

Exit mobile version