hadaba somlaliland waxey leedahey jaar xun oo la yidhaahdo IGAD kuwaas oo ka aradan dumuqraadiyada Somaliland
Waa ay kala saameyn badan yihii gudiyadu marka laga hadlayo gudi komishan waxaa laga hadlayaa mutaqbal dal iyo dadka. sababta oo ah waxey u garsoorayaan murshixiin dooneysa mid weliba inuu xukunka dalka qabto,takada dalka oo dhan ayaa gacantooda geleysa maalmaha la tirinayo codadka
muwaadiniinta iyo maalinta lagu ridayo.Iyadoo khastiga ugu weyn ee loo dhegtaagayaa yahey waxa afkooda ka soo baxa maalinta lagu dhawaaqayo natiijada doorshada madaxweynaha oo ah tan ugu saameynta badan adduunka dorashooyinkaka dhaca,hadaba somlaliland waxey leedahey jaar xun oo la yidhaahdo IGAD kuwaas oo ka aradan dumuqraadiyada somaliland ka hanaqaadey,qaarkood waxey xukunka iska heystaan mudo labateenyo sano gaadheysa ama ka badanba. sida djibouti ethiopia halka kenya ay sameeyaaan wax aan ugu yeedhi karno doorasho la mood.iyadoo aynu oganahey in ilaa maanta qalalaase siyaasadeed ka taagan yahey ka dib markii uu talada dalka si aan sharci aheyn ugu guuleystey madaxweyne uhuru kenyata.Isagoo laaluushey xubnihii komishanka qaran kuwaasi oo natiijo aan sax aheyn soo saarey,inkastoo ay maxkamada kenya qaadtey go”aan tariikhda africa galey oo aan hore loo arag kadib karkii ay laashey natiijadii macmalka aheyd ee lagu dhawaaqey.amarna ku bixisey doorasho ku celis ah ayaa ilaa hada loo maaro la yahey siyaasada dalka aynu jaarka nahey ee kenya.
Hadaba komishanka doorashooyinka somaliland ha ka digtoonadaan todoban qodob maalmaha doorshada
1- in ay gacan sadexaad soo dhex gasho shaqadooda gacantaas oo inta badan noqonkartaa cida ay u garsoorayaan.Taas oo horseed u noqon karta hoogoda iyo halaaga shcabka
2- in ay iska hubiyaan cabashooyinka ka imanaya tartamaasha ee muhiimka ah taas oo sii xoojineysa kalsoonida ay ku qabaan tartamayaashu
3- in ay cadaalad sameeyaan xataa cida wax ku waayeysaa hadey yihiin iyaga,tusaale ahaan dano shekhsiyadooda loo balan qaadey hadey cadaalad daro ay sameeyaan ku helayaan, ha ka doorbideen iney cadaalada ku taagnadaan
4- Ha ogaadaan dhiiga ku daata cadaalad daro ay sameeyeen in aduunkana ay cidhiidhi ku nolaan donaan, maalmo yar ka dibna marka aakhiro la tago in danbigaas oo dhan dubadooda yahey kaas oo ayna awoood ay ku qadaan laheyn hadaba ka digtoonaada taasna
5- in ay ku dhawaaqaan natiijo kasta oo soo baxda ka dib marka ay hubiyaam in ay cadaalad ku dhawdahey cadaalad 100% ah ilaahey ayuunbaa laga helaaye SWT
6- Iska dhego tira kuwo isku dayi doona iney karkaarka idin weydaariyaan idinkuna khasbaan cadaalad daro inaad ku dhacdaan,kuwaas oo aakhiro iyo aduun midna wax idin tari karin,Kuwaasi oo noqon kara tartamayaasha laftooda iyo kuwa yidhaahda
7- 700,000 oo codbixiye waa hawl fudud oo la hubinkaro halka codadku u badanyihin.marka loo eego codbixiyayaasha geeska africa kenya waa ahaayeen 25milions of voters,markaas hawsha tirinta ama ku celinta tirinta meelaha ishkaal galo ee lagu murmo waa iney ogaadaan in aaney aheyn hawl adag ee ay tahey hawl fudud.
Gondaha goonyaha u fidey
Hadey kala gaar yihiin
Guntey ka mideysanyiin.
Nageeye maxamed
xasan – 0634101310 Nageeye353@gmail.com