WAJAALE NEWS

Qofkii Ugu Dambeeyay Ee Waraystay, Halyaygii Afrika, Thomas Sankara

Muddo 30 sano ah ayaa laga joogaa markii la dilay, kadibna la afgambiyay madaxweynihii hore ee dalka Burkino Faso Thomas Sankara , gabadha lagu magacaabo Becky Branford ayaa xusuusata markii ugu dambeysay ee ay la kulantay Sankara, qoraalka hoose ayayna kaga sheekaynaysaa.

 

 

Hal sawir ayaa isoo xusuusinaya wax kasta, waana sawirka muujinaya aniga oo 11 jir ah oo markaas ahaa arday iskuul ka dhigata London oo kor u eegaya Thomas Sankara , madaxweynihii hore ee Burkino Faso. Waxaa sawirka igala muuqda farsamoyaqaankeenii iyo Dan Meigh oo ahayd gabadh 14 jir ah oo waraysiga ila qaadaysay.

Balse wax kasta waxaa iiga xusuus badan qaabilaaddii madaxweyne Sankara iyo eegmadiisii naxariista lahayd.

Wax kasta oo gurigiisa yaalay, xitaa labiskiisa waxa ay ahaayeen kuwa sahlan oo Afrika lagu sameeyay.

Waxaan ahayn dadkii ugu dambeeyay ee aan Afrikaan ahayn ee waraystay madaxweyne Sankara.

15-kii Oktoobar , 1987-dii ayaa lagu khaarijiyay afgambi halkaas ka dhacay, waxaana afgambiyay Blaise Campaore oo dalkaas hoggaamiyay 27 sano oo kale.

Waxaan Burkino Faso u tagnay anaga oo qeyb ka ahaa barnaamij BBC-da ay maalgalisay oo caruuraha iskuulka loogu diray in ay soo duubaan barnaamijyo la xidhiidha mashaariic ay wadday hay’ad lagu magacaabo Sport Aid oo lacago deeq ah u uruurinaysay abaaraha.

 

 

Aad ayaan uga naxay markii aan maqalnay geerida Sankara, xiligaas waxa ay ahayd mar aan ku laabanay London, islamarkaasna uu dhexda marayay tifaftirka barnaamijkii aan kasoo duubnay.

Waxaase markiiba iisoo dhacay codsiyo badan oo ka imanayay warbaahinta kala duwan ee UK si ay iiga waraystaan kulankii iyo waraysigii aan ka qaaday Sankara.

Markii aan soo weynaaday ayaan ogaaday muhiimadda uu lahaa kulankaas, iyo wanaagga uu lahaa Sankara, inkasta oo ay jireen dad dhaleeceyn jiray xukunkiisa.

 

Sankara waxa uu ahaa halyay Afrikaan ah oo la dagaalamay musuq maasuqa, wuxuuna hirgaliyay siyaasado uu kaga hortagayo hanti uruursi.

Markii aan tagnay madaxtooyada, ma jirin alaab qaali ah iyo wax dhaldhalaaya oo meesha yaalay si ka duwan madaxdii kale ee Afrikaan ahayd, kaliya waxaan aragnay askar illaalo ah oo tiro yar, taas oo markii dambe uu ka shalayn doono.

 

Wuxuu noo sheegay in uu doonayo in qof kasta uu abuuro geed marka ay dhalashadiisa tahay, anaga xitaa mid ayaan abuurnay.

Illaa 200,000 oo qof ayuu u diray in ay geedo abuuraan, kadibna ay seero ka sameeyaan , iyada oo laga hor istaagay reer miyiga in ay daaqsin ka dhigtaan.

Waxaa jiray barnaamijyo kale oo lagu illaalinayo in uusan nabaad guur ka dhicin dhulka, si markaas looga hortago abaaraha iyo waliba nafaqo darada.

Sida lagu sheegay daraasado iyo tirakoobyo la sameeyay, siyaasadihii uu hirgaliyay Sankara afartii sano ee uu xilka hayay, waxay noqdeen kuwa miro dhal fiican sameeyay.

 

Waxaa aad u kordhay ardayda iskuulaadka dhigata, waxaa la talaalay malaayiin caruur ah, waxaa la abuuray illaa 10 milyan oo geed, dumarka ku jira dowladda aad ayay kor ugu kaceen, gudniinka fircooniga ah ayaa la mamnuucay.

Sankara waxa uu qasab ka dhigay jimicsiga iyo jidhiska in qof kasta oo dalkaas ka tirsan uu sameeyo si mashaariicda la fulinayo ay u noqdaan kuwa fudud oo la qaban karo.

Dhalinyarada ayaa aad u taageersanaan jirtay Sankara, balse dadka waaweyn ma aysan jecleyn madaxweynaha, gaar ahaan dadka tuulooyinka .

Markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Campaore waxa uu awoodii gacanta u galiyay hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo ganacsatada, waxaana lagu eedeeyaa in taasi ay abuurtay dad yar oo hanti badan uruursaday, halka bulshada inteedii badneyd ay faqri noqotay.

Mr. Campaore oo la afgambiyay sanadkii 2014-kii waxa uu ku guuleystay in uu tirtiro mashaariicdii uu Sankara hirgaliyay, balse ma uusan ku guuleysanin in uu tirtiro aragtidiisii, sababtana waxa ay ahayd in dadkii dhalinyarada ahaa ee rumeysnaa aragtiyadii Sankara in ay sameeyeen kacdoon ka dhan ah Campaore.

 

Exit mobile version