|
|||||
WAJAALE NEWS
Maansada Xeer Ku Dirir Ee Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Iyo Wakhtiga Ay Kuso Beegantey.
October 9, 2017 - Written by Editor:*MAANSADA CUSUB EE XEER-KU-DIRIR IYO MADAL LA ISKU ARKAY* Hargeysa (W,N) – Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) ayaa soo bandhigay Maanso cusub oo la baxday Xeer ku dirir. Maansadan Xeer ku dirir waxa lagu soo bandhigay munaasibad la isku arkay oo ku qabsoontay Xarunta dhaqanka Hargeysa. Abwaanku ka hor intaanu maansadda Ibo-furin waxaa uu sharaxay nuxurkeedda, isaga oo tilmaamay in ay guud ahaan ka hadlayso doorashada, la-doortaha Iyo doortaha. Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku xusay Asxaabta siyaasada, *Maxaa ummad ahaan innaga qaldan? Maxaynuse u baahan nahay? “*Dad iyo dal baynu nahay haysata nabad taam ah, balse caddaalada iyo ku dhaqanka sharciga qallooc kaga jiro. Waxaad mooddaa inay inaga burburtay ummadnimadii iyo wax-wada-lahaanshihii, oo ay halkeedii inoo gashay cunfi iyo qabyaaladi.?” Sidaas ayuu yidhi abwaanku. Waa uu sii waday, hadba dhinac ayuu iska taagay Asxaab iyo ummadba. Dhaliillaha aynu wada leenahay ayuu Toosh weyn ku iftiimiyay si guud xalalka uu is leeyahay waa lagaga gudbi karraana si gaar ah ayuu farta ugu fiiqay, dabadeedna waxaa uu u gudbay Maansaddii oo isla intii uu hadal ahaanta u yidhi Hawraar ahaan ugu qotonta. Maansada Xeer-ku-dirir oo soo baxday 1dii September 2017. Waxaa uu ku bilaabay Xasan Dhuxul “Laabsaalax” oo yidhi. https://youtu.be/kAXtR3DNP3E Cidna weli ma deddafayn Suugaanna kuma durin Mana ihi nin deelqaaf Hadalladu ka duulaan. Weli xaajo dalabliyo Wax damiirku qoonsado Anoo daah ka rogi kara Marna dhaayo kama dedan; Cidna libin dirqiya iyo Guul dulsaar ah kuma ladhin. Waa diirad maasadu Lagu tuso dad waynaha Nin ka galay dunuubtee Kii dudaaya yeelkii Mana lihi dan gaaree Wayga Daacadee Dhugo Haddaan dib-u-dhacaagiyo Guushaada doorka ah Mid kastaba diwaan culus Maalmuhu ku daabicin, Taariikhda duuggii Dorraad kaaga marag noqon, Dhacdo kaaga tagin deris, Gudcur dam ah ma dhaantide Wax ka baro duruufaha Deris maalmihii tagay Dib u dheeho waayaha wax ku dooro maankaa.- Marka arrin dakaamiyo Xaajo dalab leh weligeed Damal lagu gorfeeyiyo Xeerbeegti diran iyo Duqay loo xishaa jiray, Waxa dhaca dawayn jiray. Nin kastoo dankano gala Dabar celiya baa jiray. Wax kastoo is-diid dhala Xal dabiiba baa jiray. Hadduu xaalku dacar iyo Deebaaq qadhaadh yahay Hoos baa loogu degi jiray. Maanta waa is daba yaac Aaway kala danbayntii? Daacaddiyo run-sheeggii Waa laga dul guuroo Daba-huwan siday tidhi: “dadku waxay wax ka arkaan Dibnihiyo hungurigaa!”— Waa dood su’aal leh’e Dammiirki maxaa helay? Inta dufanku mood yahay Dhaameelku deeq yahay Culimadu danley tahay Oday-dhaqan dillaal yahay Koofiyadaha demiska leh Wax ku doono laga wado, Danbaskana sabool yahay Noloshuna dirsooc tahay Dabaqado bulshadu tahay Reernimo danguud tahay Qarannimo daldalan tahay Xilku duudsi-dhale yahay Digreetadu rasaas tahay Garashooy! Ayaan daran.— Dulmi wade intuu weli Dulmanaha ka mudan yahay, Eexdiyo ku digashadu Intay darajo leedahay, Daacadnimo masuug tahay Cadliyow laguu dagan! Inta weli la door bido In qabyaalad lagu dago Dalka ruuxa hagi kara Oo ruux la dabo wado Dano gaara laga rabo Musuqoow lagu diran! Waa duniyo xaalkeed Xagal daacsanaantuye Hal doorkii maxaa helay? Horta mee dal-jirihii? Xumo-diid ha joogee Indheer garad docdiisii Hadmuu daad ka soo galay? Ninka nabadda deyn ku leh Ee dirir ka baaqsaday Ha u sheego dunidee! Qof dastuurka magansaday Sharcigana dabiib biday Oon xeer difaacayn Awoodaha dulsaarka ah Maxaa uga damiin noqon Mar- hadii rag doobshaa Related posts:DAAWO;-Madaxwaynaha DDSI Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Booqday Mashaariic Laga Hirgalinayo Deegaanka D... Taliska Ciidanka Booliska Jsl Iyo Gudida Doorashooyinka Oo Shaaciyay Wakhtiga La Joojinayo Isku Soco... “Waxa Ii Caddaatay Cabdicasiis Iyo Xubhnaha La Socdaa Ee Tirada Yari In Ay Rabaan In Ay Dumiyaan Dal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|