Kooxda Al-shabaab Ee Buuraha Gal-gala Oo Xalay Qabsaday Magaalada Laasqoray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Al-shabaab Ee Buuraha Gal-gala Oo Xalay Qabsaday Magaalada Laasqoray
October 15, 2017 - Written by Reporter:

Laasqoray(W,N) -Kooxda Al-shabaab ee fadhigeedu yahay Buuraha Galgala ayaa xalay soo galay gudaha magaaladda Laasqoray, halkaas oo ay muddo badan ku sugnaayeen, balse markii danbe ay isaga baxeen.

 

Laasqoray_over_view

 

Alshabaab ayaa la sheegay inay Lug ku soo galeen, iyadoo tirada ciidankooda lagu sheegay inay gaadhayeen Boqol dagaalyahan.

Kooxda soo gashay Laasqoray ayaa lagu soo waramayaa inay u khudbadeeyeen dadka magaaladda kadib na ay dib ugu noqdeen halkii ay ka yimaadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka taageen magaaladda Laasqoray Calanka kooxdaasi isla markaana ay si nabadgelyo ah uga baxeen.

 

COMMENTS
LINKS