|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degmada farowayne Oo Calankii Sudhnaa Xafiiskii Xisbiga Wadani Ee Degmada Gacantiisa Ku Jar jaray Iyo Xubno ka Hadlay Dhacdadan,
October 19, 2017 - Written by Editor:“Markii ay Diideen Ciidankii la Socday In Dejiyaan Calankii Xisbiga Wuxuu Gudomiye faysal Gacantiisa ku Jar jaray Asmaahihii Xafiisa” Goob Jooge ka Waramay dhacdadan. FAROWAYNE(W,N) Gudoomiyaha Degmada farowayne Ee Gobolka Maroodi jeex Faysal Dheere Ayaa ayaa sida wararka aanu haleyno lafta farowayne Oo ay noo xajiiyeen Masuliyiinta xisbiga wadani Ee degmada iyo Dadwayne kale oo goobta u sugnaa in maanta galinkii danbe canbaaro 4;00pm uu gudoomiyaha degmada farowayne faysal dheere oo wata ciidamo iyo xubno kamida cuqaasha magaaladu uu tegay xafiis loo kireeyay xisbiga wadani kaasi oo ciidamadii ku amray in la dajiyo calanka xisbiga wadani ee sudhan xafiskan isagoo sidoo kale xoog ku galay gudaha gurigan. Ugu Horay Mulkiilaha guriga uu kuyaalay xafiiska xisbiga wadani oo lagu magacaabo ayaa kawaramay sida ay wax udhaceen wuxu yidhi “waxaa gurigay iigu yimid gudoomiyaha degmada oo wata ciidan wuxuuna igu yidhi calanka ka goo guriga, waxaanan ugu jawaabay anigu ma goyn koro waayo waxaan ahay shaqaale sidoo kale waxaa iyana diiday Amarkan odoyaashii la socday iyo ciidamadii oo uu marka hore kusoo kexeeyay waxaan soo xidhaynaa nin guri uu naka kireeyay cidkale kasii kireeyay, “wuxuna ku armay in dajiyaan calanka xisbiga wadani oo isagu sudhnaa xafiiska , nasiib wanaag ciidamadii la socday iyo odoyashiiba way diideen ficilkaa sharciga baalmarsan.‘ Mardii danbe ee ay diideen ciidamadii iyo odoyaashii la socday waxaa calankii gacantiisa ku dajiyay gudoomiye faysal isagoo si badheedha ugoogooyay calankii halka uu googi Iisiina uu ku ritay jeebka, waxaa sidaa yidhi mulkiilaha gurigan. Dhanka kale waxaanu Isna Khadka telefonka Aanu kula xidhiidhnay xubin kamida xisbiga wadani ee lafta farowayne Mr Ismaaciil Cabdilaahi Muxumed, oo isna arintaa ka hadlaya Wuxu Yidhi “dhacdo fool xun ayaa maanta ka dhacday lafta farowayne goobtan uu xafisku ku yaalo waxaa yimid gudoomiyaha degmada oo Askar wata, wuxuna soo weeraray xafiiskii xisbiga wuxuna gacantiisa ku goo gooyay calanki xafiiska sudhnaa, waxaana meesha ka dhacay arintaa foosha xun dhacdadana waxaa ka dagaalamay xataa taageerayaashii xisbiga kulmiye oo iyagu diiday ficilkan, foosha xun Xataa cuqaashii reerka Ee markii hore la socday waxa uu fuliyana uu waxba ka ogaysiin waxayna ku yidhaah deen meesha haynagu ceebayn, balse nasiib daro umuu joojin, Iasgoo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “Waxaana arintaa cadaynteeda nooga markhaatiya cuqaaasha waliba xataa askartii ayaa xoog uga xumaaday dhacdadan uu gudoomiyuhu ku kacay. Sidaa waxa yidhi Xubintan katirsan xisbiga wadani ee Lafta farowayne, Dhanka kale waxaani isku dayday in aanu wax ka waydiino dhacdadan gudoomiyaha Degmada balse aanu waynay khadka felefoonka, kadib markii uu naga qaban waayay, Iskasta oo ay tahay talaabadan ayaa noqonaysa mid ka hor imanaysa geedi socodka hanaanka dumuqraadiya Somaliland iyo sidoo kale hamsami usocodka ololaha doorashada oo ay tahay ku keeni karto ficilo foolxun oo ka dhex bilowday taagerayaasha xisbiyada Waxaanay talaabadan uu ku kacay gudoomiyaha degmada farowayne ayka hor imanaysaa wareegtadii madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland dhawaan soo saaray iyagoo haayadaha kala uu ku amray in ay si siman loo ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin Asxaabta Qaranka . WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|