Sidoo kale, macalinimadu waxay noqotay shaqooyinka ugu hooseya ee wadanka laga qabto looguna yasida badan yahay taas oo horseeday.
Sannadahan dambe bulshadeena waxa ku soo badanaaya in shaqada macalinimadu noqoto mid kumeel gaadh ah iyada oo qiimihii iyo muhiimadii ay lahayd lagu soo koobo fikirka gaaban ee ah “Intaad shaqo fiican helayso iska sii noqo macalin.” Fikirka noocan ahina waxa uu saamayn taban ku leeyahay qiyamkii iyo kalsoonidii xirfada macalinimo.
Sidoo kale, macalinimadu waxay noqotay shaqooyinka ugu hooseya ee wadanka laga qabto looguna yasida badan yahay taas oo horseeday in aan la helin macalin tayo iyo xirfadba leh iyada oo aan laga jawaabin su’aalaha ay kamidka yihiin; sidee ayaa lagu tijaabin karaa aqoontiisa la xidhiidha maadada uu dhigayo? Shahaado noocee ah ayuu ka sitaa maadada uu dhigayo? Waa maxay waaya-aragnimada uu u leeyahay wax-barista? Sidee ayuu ku ahaa dugsiyadiisii/jaamacadihiisi/ uu soo maray? Haddaba, iyada oo uu macalinku yahay hoygii iyo hooskii aqoonta, lama siinin mudnaan iyo qadarin gaar ah wanay yar tahay inta abaalkaas u og.
Miisaanka macalinimo in la ilaaliyaa maaha wax sannadahan dambe bilaabmay, macalinku waxa uu ku meeqaam iyo darajaba dhawaaday ‘rasuulka.’ Tusaale ahaan, rususha waxa loo diraayay oo loo soo saaray inay ummada ka saran mugdiga oo ay u horseedan nolol iftiinle oo ilaahay raali ka yahay. Sidaasi si lamida, macalimiintu waxay heegan ugu jiraan sidii ay ummada iyo ardaydaba uga saari lahaayeen jahliga, door muhiim ahna ka ciyaaran barbaarinta carruurta ilaa ay ka noqonayaan aqoonyahano dabiiba nolosha adage e bulshadoodu ku jirto. Maanta, waxa layaab noqotay in hoos loo dhigay qiimihii macalinka laguna baraarugsanayn samirkiisa, dadaalkiisa, dulqaadkiisa iyo darajadiisa.
Haddaba, maadama hoos loo dhigay milgihii iyo maamuuskii macalinimo, waxa dawladda, bulshada, iyo ururada u dhaqdhaqaaqa macalimiintu inay dardar geliyaan hawlaha kala duwan ee kor loogu qaadayo karaamada iyo sharafta macalimiinta. Dawladda oo ah tiirka koowaad waxa ay abaabuli kartaa barnaamijyo (programs) lagu tayaynayo, korna loogu qaadayo qiima macalinka. Qaar kamid ah talaabooyinkana waxa kamid ah:
- In kobcin iyo kor u qaadis badan lagu sameeyo macalinka iyada oo loo qabanayo tababaro xidhiidhsan, aqoon iswaydaarsiyo, iyo xoojinta xirfadaha macalinimo si loo helo macalimiin tayo leh’
- In bulshada laga dhaadhiciyo loona soo bandhigo muhiimada, doorka iyo kaalinta uu macalinku ka ciyaaro horumarka iyo kobaca bulshada.
- In wacyigelin loo sameeyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay isugu dayaan inay waxbadan ka gaystaan dhiirigelinta macalimiinta oo gudoonsiiyaan shahaadooyin daryeelkiisana sare u qaadaan.
- In dawladdu, iyada oo kaashanaysa haaya’daha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba, u kordhiso mushaharka macalinka si uu u yeesho awood dhaqaale oo dabooli karta baahiyihiisa aasaasiga ah iyo ta qoyskiisaba.
- In dugsiyada ay ka hawl-galaan macalimiintu ay ka war hayaan ilaalinta xuquuqda macalinka si looga hortago tacadinga iyo dhibtaada loo gaysto xiliyada kala duwan ee ay hawl-maalmeedkoda ku jiraan.
- In macalimiintu isku tagto oo samaysato urur macalim (Teachers’ Union) kaas oo u dooda xuquuqdooda kana difaaca macalimiinta dhibtaatooyinka ay ku hayaan goobaha ay ka shaqo galaan.
Ugu dambayntii, kobcinta iyo kor u qaaddida qiimaha macalinka ee bulshadu waa mid kamida waxqabadyada ugu wanaagsan maadama oo macalinmiintu ay waxbaraan qaybaha kala duwan ee bulshada. In macalim tayaysan la helaana waxay kamid tahay dadaalada lagu daawaynayo xanuunada bulsho haday tahay qabyaalad, qaad iyo qaar kaloo badan.
Qalinkii: Fatxa Cabdi Cali
Ciwaanka: fatxacabdi@gmail.com