|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhalinyaro Kooxo Ah Oo Iskugu Laynaysay Labadii Habeen Ee U Danbeeyey Xaafad Kamid Ah Magaalada Hargeysa
October 1, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa(W,N)-labadii habeen ee u danbeeyey ayaa dhalinyaro kooxo ah iskugu laynayeen xaafadda Xero Awr ee magaalada Hargeysa. Waxaana dhalinyaradan oo hubaysan ay laba kooxood iskugu laynayeen xaafaddaasi,iyaga oo khasaare kala duwana is gaadhsiiyay. Sidoo kalena dhalinyaradan is laynaysa ayaa waxay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen nin ganacsade ah oo tukaan ku haysta xaafadaasi,iyaga oo iyaga laftooduna ay dhaawacyo is gaadhsiiyeen. Ciidamada Booliska caasimada Hargeysa ayaa labadii habeen ee u danbeeyeyba,waxay heegan culus u galeen soo qab qabashada dhalinyaradaasi kooxaha isku laynaysay,iyaga oo qaar kamid ahna xabsiga u taxaabay. Shacabka xaafadaasi ku nool ayaa waxa soo food saartay cabsi wayn,iyaga oo tahli kari waayay inay suuqa usoo baxaan si ay usoo fushadaan hawlaha ay u baahan yihiin. Related posts:Xukuumadda Siilaanyo Oo Dib Xorriyadoodii Ugu Soo Celisay Badi Masuuliyiintii Xisbiga WADDANI Ee Xab... Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Dhimay Gudiga Joogtada ee Golaha wakiilada,Muxuuse u cusk... DAAWO; Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Degmada Tog wajaale Oo ka Hadlay Xafiis Ay ka furayeen Magaal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|