WAJAALE NEWS

Calaamadaha Guul-wadeyaasha, W/Q: Cali Cabdi Coomay

Fikirka aasaaska Guulwadeyaashu wuxuu ka jiraa dalalkii Shuuciyadu ka jirtay, waxaanu Siyaad Barre ka soo dheegtay macalimiintiisii Shuuciyiinta ahaa.

 

Asalka Erayga Guulwade

Guulwadeyaashu waxa ay la kowsadeen kacaankii Maxamed Siyaad Barre, waxaana la aasaasay Sannadkii 1972-kii. Waa ciidan u adeegi jiray Maxamed Siyaad Barre, loona sameeyey amaanta iyo buunbuuninta shakhsiyada Siyaad Barre iyo xaasaskiisa. Kamay tirsanayn ciidanka Booliska, Milatariga iyo dharcada basaasiinta ah. Waxa ay xidhan jireen dhar dooga ah ama akhtara, astaantoodu waxa ay ahayd Ilweyn oo cas, oo dadku ugu yeedhi jireen Ishii shaydaanka. Fikirka aasaaska Guulwadeyaashu wuxuu ka jiraa dalalkii Shuuciyadu ka jirtay, waxaanu Siyaad Barre ka soo dheegtay macalimiintiisii Shuuciyiinta ahaa. Guulwadeyaashu waxa loogu wanqalay Heestii Guulwade Siyaad, oo aroortii markay soo toosaan waxa ay ku digriyi jireen Heestaasi” Guulwade Siyaad Aabihii garashada geyankayow, hantiwadaagu waa habka barwaaqo noo horseedoo, barbartiyo shaqalaahow is-biirsada, oo ku balanqaad hantiwadaag inaad badbaadiisaan”

Shaqada Guuladaha

Sideynu xaga hore ku soo sheegnay waxa loo sameeyey guud ahaan amaanta iyo buunbuunta guulaha Kacaanku gaadhay, gaar ahaana inay Maxamed Siyaad iyo Xaasaskiisa si indho la’aan ah amaan aanay kasban ugu talaxtagaan, iyaga oo gaadhsiiya in ilaa heer lagu sheego astaamo Nebennimo, mararka qaarkoodna heer Malaa’iig. Wax kasta oo guul ah waxa ay u nisbayn jireen inuu Maxamed Siyaad keenay, waxaanu ahaa Guulwadaha guusha. “Nin guulwadayaasha madax u ahaa ayaa khudbad ka jeediyey xafladii xuska sannad-guuradii afraad ee aasaaskii Guulwadeyaasha ee sannadkii 1975-kii, oo Siyaad Barrana fadhiyo. Markaasuu ninkii isaga oo fulinayaa shaqadii loo abuuray yidhi” Jaalle madaxweyne adigu waxaad Nebiga NNKH ka meteshaa magaca iyo Distoorka, oo dalku wuxuu leeyahay 114 qodob oo Distoorka ah, halka Qur’aankuna yahay 114 suuradood. Xaaskaaguna waa Khadiija, oo waa la magac xaaskii Nebiga NNKH” dabadeed Maxamed Siyaad ayaa qosley, qosol ilaa feedhaha ka soo baxay.

Waxa kale oo Guulweyaasha caado u ahayd inay jeebkooda sare ku xidhaan sawirka Siyaad Barre, ka dibna qof kasta oo ka soo horbaxa waxa ay ku khasbi jireen inuu sawirka salaama, mararka qaarkoodna la dhunkado. Dadka shacabka ahi, way baqi jireen oo inta badan wixii ay Guulwadeyaashu faraan way yeeli jireen, waayo hadday diidaan waxa ku dhacaya xadhig ama dil aan sabab lahayn. Sannadkii 1976-kii ayey Guulwadeyaashu soo abaabuleen isu-soo-bax shacabka Hargaysa khasab guryaha lagaga soo saarayo, ka dib goobtii khudbada laga jeedinaayey ayuu nin ka soo dhexbaxay dadkii, markaasuu gacanta ka dhunkaday madaxii   guulwadeyaasha, dabadeedna markii laga dareeray goobtii, ayaa ninkii loo bixiyey” Doofaar Dhunkade” naanaystaasi ninkii way la socota ilaa intii uu dhimaayey. sidoo kale wakhtiyadii -dhawr iyo sideetankii ayuu nin kale Maxamed Siyaad gacanta ka dhunkaday, isna waxa loo bixiyey” Ey dhunkade”.

Wakhtiyadii ay guulwadayaashu ay shacabka ku khasbi jireen inay u soo baxaan dabaaldega maalinta kacaanka (21 Oktoobar), ayay dooneen inay khasab ku joojiyaan nin Tabliiqi ahaa, oo suuqa Hargaysa dadka ku wacdiya, ka dib ninkii ayaa diiday, oo kolba meel dhigta makarafoonka, dabadeed maalintii dambe ayey ninkii yu bixiyeen “ GUULWADE RASUUL”.

Calaamadaha Guulwadaha Lagu Garto

Guulwadaha waxa lagu calaamado dhawr ah, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa kuwa waaweyn:

Tartankii Loo Galay Guul-wadennimada

Wakhtiyadii dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa tartan loo galay amaanta iyo is-hoos-dhiga Siyaad Barre.  Dabadeedna waxa soo baxay natiijo fool xun oo abid aan la arag waxa la mid ah, waana dhaqannada beryahan dambe lagu arkay shakhsiyaad xilal ka haya xukuumadda Siillaanyo, waxba yaanan hadal idinku daaline waa tan natiijadii:

Siyaad Barre, waxaanu ku sheegay inay tahay gabadha ugu caqliga badan dumarka Soomaalida.

Ugu dambayntii wakhtiyadan dambe waxa Soomaaliaan ku soo badanayey dad ku sifoobay astaamihii guulwadeyaasha. Haddii aad aragto qof amaanta madaxdu afkiisa markasta ka soo baxayso islamarkaana indho la’aan wax ku taageeraya, waa guulwade kaba qaad ah, oo kalsoonidu ku yar tahay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

 

 

Exit mobile version