|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaflad Shalay Xisbiga Kulmiye Qabsadeen Oo Lagu Quudhsaday Xildhibaan Naasir Cali Shire Iyo Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Goobtaasi Ka Dhacay
September 29, 2017 - Written by Reporter:Hargeysa,(W,N)- Fadeexad aad u xun ayaa la kowsatay xildhibaan Naasir Cali Shire kadib markii shalay loo diiday in uu ka hadlo xaflad ay xisbiga Kulmiye u qabteen siyaasiyiin ku soo biiray,Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ahaa dadkii shalay xaflada loo qabtay ayaa gabi ahaanba loo diiday in uu goobtaasi ka hadlo xaga codbaahiyaha Iyadoo ay meesha ka hadleen dhaman siyaasinyiintii kusoo biiray kulmiye.
Goobta xaflada lagu qabnaayay ayaa waxa joogay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo wasiiro ka mid ah xukumadda. Waxana aakhirkii ay xafladaasi isu badashay dhamaadkeedii buuq iyo dagaal kadib markii xildhibaan Naasir Cali Shire oo la quudhsaday loona diiday in uu goobtaasi ka hadlo uu dagaaal gacan ka hadal ahi dhexmaray Mustafe Waxdad oo ah xoghayaha golaha dhexe ee xisibiga Kulmiye oo ahaa shaqsiga qaybinaayay hadalka waxana aakhirkii dibada loo tuuray Xildhibaan Naasir Cali Shire oo goobtaasi cadho kaga huleelay
WARIYE XAMSE JIRDE AXMED WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO;-Haweenka La Nool Xanuunka HIV-AIDS Oo Cabasho Ka Muujiyay Wasaarada Caafimaadka Iyo Fariinta ... Xukuumaddu Meel Dalkiiba Lala Wareegay Oo Calan Soomaaliweyn Lala Cararayo, Qaarna La Xasuuqay Ayey ... Dawlada Hoose Ee Caasimadda Hargaysa Oo Soo Bandhigay Qalabka Nadaafada loogu Talo Galay Goobaha Da... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|